Madaxda Maamul-goboleedyada oo abaabulaya kulan ay iskood Beesha Caalamka ula yeeshaan

GARYAQAAN MAXAMED XASAN SICIID SALLIDHIGE (TABLIIQ-SHARCI)
GARYAQAAN MAXAMED XASAN SICIID SALLIDHIGE (TABLIIQ-SHARCI)
Nairobi (aftahannews):- Saddex hoggaamiye dowlad-gobolleed oo ka tirsan kuwa Soomaaliya ka jira, ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,halkaa oo ay ka bilaabeen kulamo ay la qaadanayaan madaxda beesha caalamka iyo qaadhaan-bixiyeyaasha.
GARYAQAAN MAXAMED XASAN SICIID SALLIDHIGE (TABLIIQ-SHARCI)
MADAXWEYNEYAASHA GALMUDUG, JUBALAND IYO PUNTLAND
Sida ay baahisay shabakadda Hiiraan onle oo aannu warkan ka soo xigannay, isla markaana soo xiganaysay xogo ay ka heshay ilo ku dhadhaw madaxda maamullada federaalka Soomaaliya hoostaga oo ku sugan Nairobi.

Warku wuxu intaas ku daray in Hoggaamiyeyaasha ku sugan Nairobi oo kala ah; Madaxweynayaasha Jubbaland, Galmudug iyo Puntland ay halkaas ka wadaan kulammo ay la yeeshaan madaxda iyo wakiillada beesha caalamka ee caasimadda Kenya ee Nairobi xarumaha ku leh.

“Madaxda waxay la kulmayaan xubnaha beesha caalamka ee Nairobi ku sugan,” ayuu yidhi Sarkaal ka tirsan wafdiga madaxweynaha Puntland oo isagu xalay gaadhay halkaas, waxaanu inta ku daray; “Sidoo kale waxay qaadanayaan kullamo iyaga dhexdoodda ah.”
Madaxda dowlad-gobolleedyada ayaa isku dayaya inay si toos ah beesha caalamka ugu helaan taageerrada ay siiso Soomaaliya, iyagoo dadaal ku bixinaya in dib loo soo cusbooneysiiyo barnaamijkii la macaamilka maamullada, oo horay dowladda iyo maamul-gobolleedyada si gaar ah loola macaamili jiray.
Dowlad-gobolleedyada ayaa dhowr mar  ku eedeyay dowladda dhexe ee federaalka inay siyaasadeysay deeqaha loogu tala-galay gobollada,kaddib khilaaf iyo kala aragti duwanaasho soo kala dhexgashay dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.
Kullamada hadda Nairobi ay ka wadaan madaxda dowlad-gobolleedyada ayaa sidoo kale ku soo aaddaya xilli uu dib u dhacay shir uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo inuu ka dhaco Muqdisho, kaas oo u dhaxeeya maamul-gobolleedyada iyo dowladda federaalka.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Muqdisho/Office.