Madaxweynihii hore ee Sudan oo Gurigiisa laga helay Malaayiin Doollar, Xabsigana lagu adkeeyey

MADAXWEYNIHII SUDAN CUMAR XASAN ALBASHIIR
MADAXWEYNIHII SUDAN CUMAR XASAN ALBASHIIR

Khartum (aftahannews):- Dacwad oogaha dalka Suudaan, ayaa bilaabay baadhitaan uu ku sameynayo madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas Cumar Xasan al-Bashiir, kaas oo loo haysto eedo ah inuu si sharci-darro ah lacago u lunsaday iyo weliba inuu haysto lacago badan oo qalaad.

MADAXWEYNIHII SUDAN CUMAR XASAN ALBASHIIR
MADAXWEYNIHII SUDAN CUMAR XASAN ALBASHIIR

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sida lagu sheegay Idaacadda BBC-da, Guddiga la dagaallama musuqmaasuqa ee uu sameeyay goblaha millateriga, ayaa sheegay in ciidammada ammaanku ay soo heleen lacago Euros, doolar iyo pound-ka Suudaan isugu jira oo wadartoodu ay ka badan tahay 130 milyan oo doolar.

Lacagtaas ayaa haatan waxaa lagu shubay Bangiga Dhexe ee dalkaasi Sudan. Al-Bashiir, ayaa la dhigay xabsi kaddib markii xilka laga qaaday 9 maalmood ka hor kaddib bilooyin ay socdeen dibadbaxyo isaga loogaga soo horjeeday.

Sidoo kale al-Bashiir waxaa laga doondoonayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee loo soo gaabiyo ICC, taas oo u haysata eedo ah inuu galay dambiyo dagaal iyo inuu xasuuq gaystay.

Taliska milateriga Suudaan ayaa 11 bisha Abriil shaaciyay in xilkii laga qaaday isla markaana meel amaan ah lagu xiray madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan AlBashiir. Wasiirka Gaashaandhigga ee Suudaan ahna madaxa taliska milatariga ayaa shir jaraa’id oo si weyn loo sugayay goor dhaow ku sheegay in xilka laga qaaday Al-Bashiir isla markaana xabsiga loo taxaabay.

Waxaa xabsiga badi dadkii u xidhnaa arrimaha siyaasadda. Cumar Al-Bashiir, ayaa xukunka dalka Suudaan heystay ku dhawaad 30, isagoo xilkaas qabtay ka dib markii afgambi aan dhiig lagu daadinin xilka looga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.