Dariiqii dheeraa ee Caddaalad-raadinta Garyaqaan Maxamed Xasan Q: 2-aad daawo

Berbera (aftahannews):- Barnaamijka Qareenka Qaranka ee ka baxa Horyaal24 TV, ayaa soo bandhigay barnaamij xiiso badan oo la xidhiidha dhacdo soo taxnayd tan iyo 199-kii, markii ay dhibaato caafimaad soo gaadhay Garyaqaan Maxamd Xasan Siciid Salli-dhige oo ku magac-dheer Tabliiq-sharci iyo xubno kale oo wakhtigaa ka shaqaynayey Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaalada Berbera oo ay xilligaa shirkaddii Total maamulaysay.

Maxamed Xasan Siciid, ayaa Maxkamadda sare ee Somaliland u xukuntay magdhaw lacageed, balse muu helin ka dib markii ay is-hortaageen dawladihii kala dambeeyey ee Somaliland soo maray, waxaanu hadda guri la’aan ku joogaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo ah halkii uu ku sumoobay.

Waxa uu dib u dejin uu dalbaday ka waayey maamulka dawladda hoose ee Berbera, halkaas oo uu kolba gidaar seexdo, furaashkiisuna u saaran yahay gaadhi ammaano ah oo uu Hargeysa kaga tegay, waxaanu sheegay inuu dhibaato geysan doono haddii aan dib-u-dejin loo samaynin ama aan la xidhin.

Haddaba, qaybta labaad ee Barnaamijkaas oo xiiso badan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.