Al-Shabaab oo iska fogeysay inay ka danbeysay dil loo gaystay 8-Oday dhaqameed

Muqdisho(Aftahan News) Ururka Al-shabaab oo lugu tuhmayey inay ka danbeeyen dilkii ka dhacay ee somaliya oo loogu dilay gobalka Baay Odayaal kasoo tagay magaalada Baydhabo, kuna soo socday Shabeellaha hoose iyo magaalada Muqdisho,ayaa xilligaan sheegay inaysan iyagu wax lug ah ku lahayeen dilkaas.

405_alshabaabnew

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa warbaahinta afkooda ku hadasha waxaa uu u sheegay inaysan iyaga mas’uul ka aheyn dilkii loo geystay siddeeda Oday oo shalay maqribkii lagu dilay deegaanka Jameeco oo hoostagta degmada Buurhakabo ee gobalka Baay.

…””‘Waxaan idin xaqiijinaya inaysan mujaahidiintu wax lug ah ku laheyn dhacdadii Buurhakaba ee dadka 8-da qof gaadhaya lagu dilay…””‘Ayuu yidhi sarkaal u hadlay XarkadaAl-shabaab.

Taas badalkeeda sarkaal u hadlay kooxda dowladda ka soo horjeeda waxuu sheegay in dilkaasi ay ka dambeeyeen kooxaha siyaasada isku haysta ee magaalada Baydhabo ku sugan, waxaana si weyn ay isaga fogeeyeen ku lug lahaanshaha falkaasi.

Hadalkan Al-shabaab ka soo baxay waxuu ku soo aadaya xilli taliyaha ciidanka Booliiska gobalka Baay, Col.Mahad C/raxmaan uu sheegay in dilka Odayaashaasi ay ka dambeeyeen sida uu yidhi dagal-yahannada ka tirsan al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya ka dagaallanta.

Sidoo kale waxuu sheegay korneyl Mahad C/raxmaan in xilligaan aysan Soomaaliya ka jirin cid aan Shabaab aheyn oo wax disha, maadaama sida uu sheegay dilkii la isku geysan jiray laga soo gudbay, balse hada ay dadka laayaan kaliya Al-shabaab,sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa jirta in ilaa hadda an la ogaan cida ka danbeysay tirada odayaal dhaqamed dilkooda,mana jirto mas’uuliyada dilka cid sheegatay.

Dilkaan waxaa cambaareysay xukuumadda Soomaaliya,sida oo ku sheegtay qoraal ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha Soomaaliya.

Aftahan News

Muqdisho/SOmalia