Wasaaradda Diinta oo G. Awdal ka bilawday Tirokoobka Maddarasadaha, Xafiis cusubna ka furatay Boorama

DAAHFURKA DIIWAANGELINTA MADDARASADAHA GOBOLKA AWDAL EE BOORAMA
DAAHFURKA DIIWAANGELINTA MADDARASADAHA GOBOLKA AWDAL EE BOORAMA

Boorama(aftahannews):- Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka daah-furay diiwaangelinta Maddarasadaha Diiniga ah oo laga soo dhammaystiray gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Saaxil.

DAAHFURKA DIIWAANGELINTA MADDARASADAHA GOBOLKA AWDAL EE BOORAMA
DAAHFURKA DIIWAANGELINTA MADDARASADAHA GOBOLKA AWDAL EE BOORAMA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Munaasibad loo qabtay daahfurka diiwaangelinta Maddarasadaha oo maanta lagu qabtay Huteelka Haldoor ee magaalada Boorama, waxaa ka qaybgalay culimada waawayn ee gobolka, Maamulayaasha iyo Macallimiinta Maddarasadaha oo iyagu safaf u galay diiwaangelinta maddarasadaha ee isla khamiistii maantaba ka bilaabantay Boorama.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Aadan oo ka hadlay munaasibadda, ayaa ka warramay faa’iidada diiwaangelinta, waxaanu yidhi; “Sharaf bay noo tahay wasaarad ahaan inaannu ka soo qaybgalno kulan qiimaha iyo sharafta leh ee aynu ku daah-furayno diiwaangelinta maddarasadaha diiniga ah ee gobolka awdal. Barnaamijkan diiwaangelinta Maddarasaduhu waa midd muhiim ah oo lagu tirokoobayo, macallimiintooda iyo ardaydaba.”

“Wasaaraddu waxay waddaa oo qorshe ah Manhaj mideeya Maddaarista Diiniga ah. Waxaannu qabnaa wasaarad ahaan iyo qaran ahaanba, in faa’iido wayni ku jirto, in la mideeyo higgaadda, in la mideeyo waxa ardaygu u baahan yahay, in la mideeyo macallimiinta iyo in tabobbarro loo sameeyo macallimiinta maddaarista.” Sidaa ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diintu.

Isu-duwaha wasaaradda diinta ee gobolka Awdal Sheekh Xaamud Ladiif Axmed, ayaa sheegay in marka horeba xidhiidh fiicani ka dhexeeyey Maddaarista gobolka iyo Xafiiska wasaaradda ee Awdal, immikana diiwaangelintan rasmiga ahi xoojin doonto wada-shaqaynta iyo isku-xidhnaanta maddarasadaha iyo wasaaradda.

Muuse Gaas oo ah agaasimaha qorshaynta wasaaradda Diinta, ayaa isna halkaas ka hadlay, ayaa isna halkaas ka hadlay, isla markaana sheegay inay diiwaangelinta maddarasadadu si habsami ah uga soo qabsoontay saddexda gobolka ee Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer, Awdalna yahay gobolkii afraad oo ay rejaynayaan inay si wanaagsan uga qabsoonto.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Awdal Axmed CabdiRaxmaan Xassan (ilka-case), ayaa soo dhaweeyey diiwaangelintan oo uu sheegay inay qayb wayn ka qaadan doonto isku xidhnaanta iyo wada shaqaynta maddaarista, waxaanu yidhi; “Waxaan idinka rejaynayaa mar walba inaad nala soo socodsiisaan wixii aad isleedihiin dhib bay idinku keenayaan, hadday Dad tahay, hadday Kutub iyo Buugaag wax laga baranayo tahay, waayo, waxbarashada diiniga ah waynu wada ilaashanaynaa, masuuliyad baa innaga wada saraan.”

Qaar ka mid ah Maamulayaasha iyo Madaxda Maddarasadaha Boorama oo iyaguna kulankaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey tirokoobka ay wasaaraddu samaynayso, Manhajka hawshiisu socoto iyo inay wasaaraddu la ogaato maddarasadaha iyo macallimiinta dhiga iyo weliba ardayda wax ka barata, waxaanay ballan-qaadeen inay sii xoojinayaan wadashaqayntii horeba ay ula lahaayeen wasaaradda Diinta.

Geesta kale, Agaasimaha guud ee wasaaradda Diintu waxa uu xadhigga ka jaray Xafiiska isu-duwidda hawlaha wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee gobolka Awdal oo wasaaraddu ka hirgelisay magaalada Boorama ee xarunta gobolkaas oo aanay hore xafiis rasmi ah ugu lahayn, si hawsha heer gobol ee dacwadda Diintu si habsami ah halkaa uga socoto.

Culimada gobolka Awdal waxay shahaado-sharaf guddoonsiiyeen Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Sh. Aadan Cabdillaahi Cabdalla, iyaga oo sheegay inay ku maamuuseen dedaalka uu ugu jiro arrimaha Diinta ee dalka oo dhan. Agaasimaha, ayaa geestiisa ka mahad-celiyey sida ay u maamuuseen culimadu.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.