Itoobiya: Madaxweynihii Oromada oo la Dallacsiiyey iyo Kii Soomaalida oo Xabsi ku jira

MADAXWEYNIHII OROMADA OO LA DALLACSIIYEY IYO KII SOOMAALIDA ITOOBIYA OO XIDHAN
MADAXWEYNIHII OROMADA OO LA DALLACSIIYEY IYO KII SOOMAALIDA ITOOBIYA OO XIDHAN

Addis Ababa(aftahannews):- Ra’iisul-wasaaraha dalka Itoobiya ayaa wasiirka gaashaan dhigga u magacaabay madaxweynahihii gobolka Oromada Lemma Megersa. Baarlamaanka dalka Itoobiya oo maanta lahaa kal fadhigoodii caadiga ahaa ee 34 ayaa meel mariyay saddex wasiir oo cusub oo la soo hordhigay.

MADAXWEYNIHII OROMADA OO LA DALLACSIIYEY IYO KII SOOMAALIDA ITOOBIYA OO XIDHAN
MADAXWEYNIHII OROMADA OO LA DALLACSIIYEY IYO KII SOOMAALIDA ITOOBIYA OO XIDHAN

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirradaas waxaa kale oo ka mid ah Caasho Maxamed oo ahayd wasiirkii hore ee gaashaan dhigga oo hadda noqotay wasiirka cusub ee wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo isna loo magacaabay Gedu Andargachew.

Haddaba waa kuma Lemma Megersa?

Lemma Megersa ayaa ahaa madaxweynaha Oromada waana nin magac iyo maamuus ku leh bulshada Oromada ah, sida uu BBC-da u sheegay Mukhtaar Ismaa’iil oo wax ka qora siyaasadda dalka Itoobiya.

MADAXWEYNIHII DOWLAD-DEEGAANKA OROMADA OO WASIIR FEDERAAL AH LAGA DHIGAY
MADAXWEYNIHII DOWLAD-DEEGAANKA OROMADA OO WASIIR FEDERAAL AH LAGA DHIGAY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Kacdoonkii ay Oromadu xukunka kula wareegeen raggii hoggaaminayay ayuu ka mid ahaa, wuxuuna caan noqday markii isaga oo xisbiga talada haya ee EPRDF ka mid ah uu ka soo horjeedsaday, dhalliil.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale kalsooni wayn ku qaba oo ay aad isugu dhaw yihiin Lema. Intii uuna Abiy Axmed Ra’iisulwasaare noqonna wuxuu madaxweyne ku xigeen u soo noqday Lema.

“Lema markii hore toos ayuu ii xukumay, haddana si dadban ayuu ii xukumaa” ayuu mar ku kaftay Abiy intii uu Ra’iisulwasaaraha noqday. Inkastoo Lemma uu wali ku naaloonayo taageero xoog badan oo gobolkiisa ah haddana Itoobiya oo dhan sidaas loogama wada jecla.

Sidee looga arkaa gobollada kale ee Itoobiya?

“Haddii runta laga hadlo walaac badan ayaa arrintan laga muujiyay, sababtoo ah waa nin ay ku wayntahay Oromonimadu, loomana arko nin qaranka matali kara,” “Intii uu ahaa madaxweynaha gobolka Oromada dagaal ayaa ka dhacay dhammaan goboladii ay xadka la lahaayeen, sida gobolka Beenhsaalgulka, kan Amxaarada, shucuubta Koonfureed iyo dhammaan gobollada kalaba.”

“Tusaale ahaan gobolka Soomaalida iyo Oromada dagaal ayaa ka dhex dhacay waxaana Oromo ka soo qaxay dad hal milyan kor u dhaafaya” ayuu yiri Mukhtaar Ismaa’iil oo wax ka qora arrimaha Itoobiya.

Waxaa Mukhtaar sidaa ku raacsan Fatxiya Maxamed Xaaji oo sheegtay in aysan marnaba ku faraxsanayn xilka Lemma loo dhiibay iyo kii uu hayn jiraytoona, Fatxiya ayaa ka mid ah dadka shacabka ah ee degan Jigjiga.

Inkastoo dareenkaasi uu xoog badan yahay haddana waxaa jira dad ay BBC kula hadashay isla magaalada Jigjiga oo sheegay in ay u arkaan in Lemma Megersa uu u qalmo jagadan isla markaasna ka soo bixi karo.

“Magacaygu waa Xasan Siciid waxaana dhihi lahaa Lemma Megersa wuu ka soo bixi doonaa xilkan, isbadal ayaana iman doona” ayuu yiri Xasan Siciid oo BBC-da la hadlay.

Mukhtaar Ismaa’iil wuxuu hadalka ku soo gabagabeeyay in Lemma uusan madaxweyne u ahayn gobolka Oromo ee uu masuul u yahay in kabadan 100 milyan oo ruux oo Itoobiyaan ah loona baahan yahay in uu badalo sida uu u fikirayo.

Xigasho BBCSomali.com.