“Haddii uu Somaliland soo faro-geliyo, isagoo Maxbuus ah ayaannu Garoowe ka soo qaban..” Xil. Indho-indho

Hargeysa(AftahanNews):- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xassan (Indho-indho) oo ka mid Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa digniin adag u diray Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isla markaana waxa uu sheegay haddii uu soo faro-geliyo deegaannada Somaliland inay magaalada Garoowe ka soo qaban doonaan isagoo Maxbuus ah sida uu hadalka u dhigay Xildhibaanku.

Xildhibaan Indha-indho oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxa uu sheegay in Ciidammada Qaranka Somaliland ay ilaaliyaan magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, sidaa awgeedna uu ugu baaqayo inuu cagaha dhigo oo nabadgelyadiisa ilaashado Cabdiwali Gaas, isla markaana waxa uu sheegay inaan Abtirsiin iyo Qabiil dawlad lagu dhisi karin ee ay iyagu hadday yihiin Beelaha Harti ee Dhul-bahante iyo Warsan-geli ayay yihiin dad reer Somaliland ah oo Somaliland wax ku leh.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Xildhibaan Indha-indho.

Aftahaninc@gmail.com

AftahanNews.com

Hargeysa/Somaliland