Laba Qarax oo ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Muqdisho (Aftahannews):- Hal qof ayaa ku dhintay, 13 kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo baabuur loo adeegsaday oo maanta ka dhacay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Qarax labaad oo ka dhacay goob maqaaxi ah oo laga cuteeyo degmada Waabari ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka saldhiga degmada, waxaana uu qaraxani noqonayaa kii labaad oo isla maanta ka dhaca magaalada Muqdisho.

Waxaa la maqlayaa dhawaqa gaadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta ka qaadaya dadka ay walxaha qaraxa ka soo gaadhay.

Barqo-nimadii maanta ayay ahayd markii qarax uu ka dhacay ilinka hore ee hotelka Mubaarak ee Waddada Maka Al-Mukarma, kaddib markii uu qarxay gaadhi goobta yaalay.

Waaxda gurmadka degdegga ah ee Amiin Ambulance ayaa ku warrantay in qaraxan labaad uu ku dhintay hal qof oo rayid ah halka 13 qof ay ku dhaawacmeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.