Danjire Saamiya Muuse oo Sheegtay Muhiimadda ay Somaliland u leedahay Guusha Xisbiga SDP ee Finland

SAAMIYA MUUSE OO LA TAAGAN MASUULKA XISBIGA GUULAYSTAY
SAAMIYA MUUSE OO LA TAAGAN MASUULKA XISBIGA GUULAYSTAY

Helsinki (aftahannews):- Doorashada Guud ee Barlamaanka ayaa Axaddii todobaadkan ka qabsoontay Dalka Finland, waxaana doorashadaas ku soo baxay Xisbiga talada dalkaas haya ee SDP oo Kursi hal-dheeri ah kaga guulaystay Xisbiga cunsuriga ah ee dhinaca bidix oo lagu yaqaanno in afkaartiisu ka soo horjeeddo Dadka soo-galootiga ah, balse natiijo fiican ka gaadhay doorashada.

SAAMIYA MUUSE OO LA TAAGAN MASUULKA XISBIGA GUULAYSTAY
SAAMIYA MUUSE OO LA TAAGAN MASUULKA XISBIGA GUULAYSTAY

saamiya Muuse

Guddoomiyaha Xisbiga SDP, Antti Rinne, ayaa noqonaya Raysalwasaaraha Cusub ee dalkaas, isagoo lagu yaqaanno siyaasad furfuran oo xisbigiisu sumcad iyo taageero badan kaga helay shacabka dalkaas.

saamiyaaa

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Finland Marwo Saamiya X Muuse oo Xubin ka ah Xisbiga SDP oo u wakiishay inay ka mid noqoto muraaqibiintii Xisbiga uga qayb-galay doorashada maalintii Axaddii ku qabsoontay dalkaas, waxa ay ka hadashay muhiimadda siyaasadeed ee Somaliland ugu jirta guusha Xisbsigeedu ka gaadhay doorashada.

saamiyas

Danjire Saamiya Muuse waxa kale oo ay Xubin ka mid ahayd 500 ergay oo shirweynaha 45aad ee Xisbiga SDP oo cod aqlabiyad ah ugu doortay inuu siyaasaddiisa hoggaamiyo raysalwasaaraha cusub ee dalkaas Antti Rinne oo ay xidhiidh aad u dhow leeyihiin safiirka Somaliland ee dalkaas.

Saamiye Muuse oo ka mid ahayd Muraaqibiinta Xisbiga SDP ee Doorashada Finland

Saamiye Muuse oo ka mid ahayd Muraaqibiinta Xisbiga SDP ee Doorashada Finland

“Waxaanu ku guulaysannay doorashada Baarlamaanka Finland oo xisbigaygu ku soo baxay, waxaana noqday raysalwasaaraha cusub ee Finland guddoomiyaha xisbigayaga SDP mudane Antti Rinne. Runtiina Guul weyn bay u tahay Somaliland,” Sidaas waxa tidhi danjire Saamiya Muuse oo u warrantay warbaahinta Somalilandpost.net.

saamiyas

“Waxa sharaf weyn ii ahayd inaan ka mid ahaa 500 qof ee ahaa ergooyinka shirweynaha 45aad ee Xisbiga SDP uu ku doortay Guddoomiyaha xisbiga mudane Antti Rinne,” ayay tidhi.

Marwo Saamiya Muuse waxa ay faahfaahin ka bixiyey kulamo ay xaflad xisbigeedu ugu dabbaal-degayey guusha doorashada fursad ugu heshay inay la yeelato madaxda ugu sarreysa Xisbiga SDP, kuwaas oo ay xustay muhiimadda ay u leedahay danaha Qaran ee ay ugu xil-saaran tahay dibloomasiyadda siyaasadda dibadda Somaliland.

Kulanka Saamiyada Muuse iyo Madaxda Xisbiga SDP

Kulanka Saamiyada Muuse iyo Madaxda Xisbiga SDP

“Waxa sharaf weyn ii ahayd xalay inaan kulan fiican wada-qaadannay mudane Tero Shemeikka oo ah xoghayaha Arrimaha Caalamiga ah ee Xisbiga SDP iyo Xogahaya Guud ee ururka Socialist International Organization oo ka soo qayb-galay Doorashada Baarlamaanka Finland oo dhacday 14-kii April,” Sidaas ayay tidhi Danjire Saamiya Muuse.

Waxa kale oo ay sheegtay in iyada oo hoggaaminaysa Qurbejoogta Somaliland ee dalkaas ay kulan la qaateen mid ka mid ah Xildhibaannada guulaystay ee Xisbiga SDP, waxaanay tidhi,  “Waxa xalay (habeen hore) sharaf weyn noo ahayd qurbejoogta Finland in Hussein Al-Taee oo ku guulaystay  xildhibaanimada baarlamaanka Finland oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq, oo waliba ka tirsan xisbiga SDP ahna la taliyaha Ururka Xalinta Khilaafaadka ee CMI oo ah ururka madaxweynihii hore ee Finland, Martti Ahtissaa.”

saamiyaa

“Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland runtii waxay noo tahay guul aad u weyn oo ku timi dedaal badan iyo Juhdi badan oo aanu samaynay,” Sidaas ayay tidhi Marwo Saamiya Xaaji Muuse oo xustay inay kaalin muhiim ah ka ciyaari doonto sidii ay xisbiga ay ka tirsan tahay ee doorashada ku guulaystay ugu dhaadhicin lahayd qadiyadda Somaliland ee dhinacyada ictiraaf raadinta, siyaasadda iyo taageero dhaqaale oo dalkaasi ka geysto horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland.    

saamiyaaa

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.