Hadalladii Ilhaan oo Maraykanka ka kiciyay duufaan siyaasadeed iyo Cabsi-gelin

Washigton (Aftahannews)- Bilo ka hor markii lagu dhawaaqay in Ilhan Cumar ay ku guuleysatay doorashadii Maraykanka, oo ay xubin ka noqoto aqalka Kongres-ka Maraykanka, waxaa xigay dabbaaldegyo waaweyn, maxaa yeelay waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow oo Muslim ah oo heerkasi gaadha.

Haatan xaalkeeda sidii hore waa uu ka duwan yahay, oo waxay maalin walba heshaa farriin cagajugleyn. Tan iyo markii la dhaariyay, Ilhaan waxaa ka soo yeedhay dhowr hadal, oo Maraykanka ka abuuray duufaan siiyasadeed.

Hadallada Ilhaan Cumar oo hir siyaasadeed ku furay

Donald Trump, oo ololahiisu ku dhisan yahay soogalooti-nacaybka, ayaa si weyn uga fa’deystay hadallada Ilhaan Cumar.

10 February 2019: Ilhaan iyo Yahuud nacaybka:

Ilhaan Cumar ayaa aad loo cambaareeyay kaddib markii ay barteeda Twitter-ka ku qortay ereyo loo arkay Yahuud-Nacayb.

Iyadoo ka jawaabaysa su’aal Twitter-ka lagu weydiiyay oo ahayd cidda maalgelisa siyaasiyiinta taageerta Israa’iil, ayay Ilhaan tidhi “AIPAC”, oo ah urur u ololeeyo dalka Israa’iil oo ka dhisan Maraykanka.

Hadalkaasi ayaa gudaha Mareykanka ka abuuray dhaleeceyn weyn, taas oo xitaa ay si weyn uga hadleen warbaahinta Israa’iil.

Dagaal afka ah ayaa ka dhex-socda Ilhaan Cumar iyo Donald Trump

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa markiiba hindisay in arrintaasi go’aan laga soo saaro, balse warqado ay soo qoreen taageerayaasha Ilhaan ayaa sababay in xisbigu baddelo mwoqifkiisii, oo waxaa uu cambaareeyay wax kasta oo ku salaysan nacayb.

Trump ayaa arrintaasi u arkay fursad cusub, oo waxaa uu weerar ku qaaday Ilhaan, isagoo ka codsaday inay iska casisho guddiga awoodda badan ee arrimaha dibedda ee Congress-ka Maraykanka.

Maalin kaddib ayay Ilhan sheegtay inay ka cudu-daaratay hadalkii ay tidhi.

March 24, 2019: Ilhaan Cumar iyo weerarradii 9/11

Ilhaan Cumar waxay ka qeyb-qaadatay xaflad lacag loogu ururinaayay Muslimiinta Losels, halkaas oo laga dhigay dibedbaxyo looga soo horjeedo. Dibedbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay “hal-ku-dhagyo ay ka mid ahaayeen “Ilhaaney Naarta gal”.

Hasayeeshee, arrinta aad loo hadal hayay ayaa ahayd khudbaddii ay goobtaas ka jeedisay.

Waxay sheegtay in Muslimiinta loola dhaqmo muwaadiniin darajada labaad ah sababtana ay tahay “dad baa hore wax u sameeyay”.

Trump wuxuu soo qaatay muqaalka Ilhaan Cumar oo hadleysa, wuxuuna ku dhex-daray muuqaal kale oo ku saabsan weerarkii 9/11. Wuxuu hadalka Ilhaan Cumar u fasiray inay yareysanayso weerarradaasi, taasi oo sababtay in Ilhaan Cumar loogu hanjabayo dil.

April 9, 2019: Stephen Miller waa “waddani caddan ah”

Ilhaan Cumar ayaa Twitter ku soo qortay hadal ka dhan ah la taliyaha uu aadka u aaminsan yahay Madaweyne Trump ee lagu magacaabo Stephen Miller. Waxay ku eedeysay inuu yahay “waddani caddan ah”.

Stephen Miller ayaa loo arkaa inuu saameyn weyn ku leeyahay Trump

Waxay sheegay in “xaqiiqada ah in uu saameyn ku leeyahay siyaasadda iyo magacaabidda siyaasadeed ay tahay mid laga cadhoodo”.

Balse dadka caddaanimada ay ku weyntahay ee Trump ayaa isla markiiba arrintan u yeelay weji cusub. Waxay arrintan la xidhiidhiyeen in Ilhaan ay Stephen bartilmaameedsanayso maadaamma uu asal ahaan ka soo jeedo dadka Yuhuuda.

Hadalka Ilhaan ayaa loo ekeysiiyay inuu qeyb ka ololaheeda ka dhanka ah Yahuudda.

Trump oo la hadlaaya TV-ga Fox ayaa sheegay in Ilhaan Cumar ay ka khatar badan tahay kooxaha ay “caddaanimada ku weyn tahay”.

 

Source: BBC