Madaxweynaha Puntland, muxuu u sheegay jaaliyadda Imaaraadka?

Dubia (Aftahannews) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la kulmay jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka Carabta. Munaasabaddan ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Golaha maamulka Puntland, qunsulka Soomaliya u fadhiya Imaaraadka, Maamulka Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka, Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka.

Madaxweyne Deni oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa si faahfaahsan  uga warbixiyey natiijada safarkii Imaaraadka Carabta ee isaga iyo wafdigiisa.

“Waxaan rabnaa in dalkeena la maal gashado waxyaabaha anaga nalaga rabo oo ay ugu horayso inaan amniga hagaajino, sidoo kale waxaan rajeynaynaa in ay Puntland hesho qawaaniin cad cad oo ilaalinaya cida maal gashanaysa iyo inaan mar-waliba xaq dhowrno dadka na-maalgashanaya xuquuqda ay dalka soo galinayaan, anaga oo taa ka duulayna safarkii ugu horreyey oo aan dibadda ugu soo baxnaa dalka Imaaraadka ayuu noqday dabcan dalka Imaaraadka waa meesha saldhigga u ahaan jirtay dad Soomaaliyeed ee dhinaca ganacsiga khaasatan Puntland wax ku leeyihiin taariikh dheer oo soo jireen ah oo muddo dheer xidhiidhka ganacsi uu ahaa mid aad u weyn.”

“Waxaa muddadii aan joognay dalka Imaaraadka aan ka wadahadalnay sidii loo ilaalin lahaa xidhiidhka qotada dheer, muddada dheer soo jirey in isbeddelka yimaada uu saameyn ku yeelan shucuubta labada dal ganacsigooda iyo isku xidhnaantooda, waxay si cad noogu ballan qaadeen in ay aad u dhowrayaan ayna horumarinayaan, waxyaabaha ugu waaweyn aan kala hadalnay waxaa kamid ahaa in xoolihii Soomaaliya oo muddo xayirnaa in dib loo furo runtii waynaga ogolaadeen”.  ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay kulan  uu la qaatay shirkadda DP-World, taasi oo dhisme iyo dib u dayactir ku samaynaysa dekedda Boosaaso.

“Siddaad og-tihiin, Puntland waxay heshiis la gashay DP-World si loo hurumariyo Dekedda Boosaaso, runtii kulan aad u fiican ayaanu la yeelanay Madaxda shirkadda DP-World, wuxuuna ku soo dhammaaday guul iyo is af-garad, waxaanu ku heshiinay in sannad gudihii wixii caqabad ah meesha laga saaro iyo wixii hore u dhacay oo u dambeeyeen dilkii maamulihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda DP-World oo runtii ahayd nabar aad u xannuun badan oo dilkiisu khatar galiyey maalgashiga Puntland, Wax kasta oo amniga dekedda lagu sugayana aan masuuliyadeeda qaadno.”

“Waxaanu rajaynaynaa heshiis labada dhinacba u cuntama oo isku dheeli tirma oo danaha Puntland iyo horumarkeeda ilaaliya uu sidaas ku dhaqan galo, haddii turxaan jirtana aanu xallino, wixii wanaaga ah ee heshiisku qorayana in ficil loo beddelo oo uusan hadal noqon waxaan rajaynayaa inuu isbeddel dhaco”. ayuu ku daray madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland  Siciid  Deni, ayaa sheegey in ay dib u bilaabmayso dhismaha waddada isku xidha magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, taasi oo uu xusay inay halbowle u ahayd horumarka dalka oo dhan.