Maamulka Hirshabeelle oo ka Cawday Saamiga laga siiyey Dhaqaalaha Ka hor-tagga Masiibooyinka

Dekedda Ceel-macaan
Dekedda Ceel-macaan

Jowhar(aftahannews):- Maamulka Dowlad-goboleedka Hirshabelle, ayaa cabasho ka muujiyey qaabka loo qayb-saday dhaqaalaha loogu talo-galay ka hortagga masiibooyinka, isla markaana Hirshabelle saami aad u yar laga siiyay, sidaa awgeedna waxa maamulku ku hanjabay haddii dowladda federaalku aanay wax ka qaban cabashadooda in ay qaadayaan tallaabooyin kale oo ay ka mid tahay inay furaan Dekedda Ceel-macaan oo dowladdu hore u xidhay.

Dekedda Ceel-macaan
Dekedda Ceel-macaan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka madaxtooyadda maamulka Hirshabelle Cabdullaahi Cadoow oo ayaa sheegay in ay furayaan dekedda  Ceel Macaan iyo  Garoonka Cisaley , xuduuda Gobolka Banaadirna ciidan ay soo dhigayaan. Cadow, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sameysay eex ballaadhan oo ku aadan saamiga yar ee la siiyay maamulka Hirshabelle, arrintaasina wax u qalma aysan aheyn maamulkooda.

“Waxaa socda haddii ay ku sii socdaan Hir-shabelle go’aan ayeey qaadan doontaa, waxaan fureynaa dekedda Ceel Macaan iyo Garoonka Cisaley,xuduuda Banaadir waxaan gaynaynaa Ciidamadan doraad qabaa’ilka lagu tilmaamay, nin walibow isku tasho ayeey noqon doontaa, waxaan rabnaa dowladnimo iyo cadaalad.” ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadda Hirshabelle.

Dowladda Federalka Somaliya ayaanan wali ka hadlin cabashada ay qabaan maamulka Hirshabelle ee ku aadan saamiga yar ee maamulkaasi uu sheegay in laga siiyay dhaqaale loogu talo galay gurmadka masiibooyinka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.