Somaliland: Wasiirka Diinta oo Furay Tartan lagu Xulayo Arday Tartanka Qur’aanka ee Ramadaan kaga qaybgelaysa Jabuuti

TARTANKA QURAANKA
TARTANKA QURAANKA

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa 194 Arday oo Xaafidul Qur’aan ah u furay tartan oo saddexda arday ee ugu sarreeyaa dalka Jabuuti kaga qaybgeli doonaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo lagu qabanayo magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

TARTANKA QURAANKA
TARTANKA QURAANKA

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla oo ugu horreyn kulankaas tartanka oo lagu qabtay Masaajidka xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada tartankaas, isaga oo sheegay inay saddexda arday ee ugu sarreeyaa magaca Somaliland kaga qaybgeli doonaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan lagu qaban doono Jabuuti. Agaasimuhu waxa uu sheegay inay tartanka adkeeyeen maaddaama oo lagu xulayo 3 arday oo Somaliland oo dhan ku meteli doona tartanka ay kaga qaybgalayaan Jabuuti.Waxa uu agaasimuhu u mahad-celiyey dowladda Jabuuti, waxaanu yidhi; “Tartankan Qur’aanka waxa bisha barakaysan ee Ramadaan lagu qabtaa dalka Jabuuti, waxa loogu magac-daray Madaxweynaha Jabuuti. Waxaannu u mahad-naqaynaa dowladda Jabuuti iyo Madaxweynahooda, sida milgaha, sharafka iyo qarannimada leh ee ay dalkeenna ugu soo casuumaan inaannu ka qaybgelno tartanka Qur’aanka bisha Ramadaan ee Jabuuti. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa wasaaradda Diinta, awqaafta iyo dhaqanka dowladda Jabuuti oo Wasiirku xidhiidh la soo sameeyo Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, kana codsado diyaarinta ardayda tartanka innooga qaybgelaysa.”

“Tartankan la doonayo ardayda ehlu Qur’aanka ah ee halkan fadhida inaynu ku kala saarno, waad dareemaysaan culayska ay wasaaradda ku leedahay. Laakiin, markaannu eegnay guddiga aannu u xulnay, markaannu eegnay sida aannu daacadda uga nahay tartankan, Insha Allaah waxaannu rejaynaynaa inay soo baxaan saddexda arday ee meteli doona Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee tartankaas Qur’aanka ee lagu qabanayo Jabuuti ka qaybgeli doono.. Halkan waxa fadhiya 194 arday oo diyaar u ah inay saddexdaas boos u tartamaan.” Sidaa ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland.

Agaasimaha waaxda Maddaarista iyo Masaajiddada ee wasaaradda Diinta Shekh Maxamed Macallin Aadan, ayaa ka warramay habka ay xidhiidhka ula sameeyeen Maddaariska Hargeysa, waxaanu yidhi; “Lix boqol oo macallin baannu la hadalnay afar cisho looma kala hadhin, waxaannu nidhi wixii kaa diyaarsan keen, rag badani way cudur-daarteen oo waxay yidhaahdeen maannaan diyaar-garoobin, intii diyaar-garawdayna waynaga halkan ku kulansan ardayday soo xuleen. Maanta 194-ka arday ee aad halkan ku fadhidaan saddex arday ayuun baa laga qaadanayaa oo noqonaya saddexda ku guulaysta tartanka 10-ka Jis, 20-ka Jis iyo 30-ka Jis, markaa nasiibkiinnaad qaadaysaan.”

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo gebo-gabadii kulankaas tartanka ardaydan loo sameeyey, ayaa sheegay inay ka cudur-daaranayaan inaan ardayda tartamaysaa isaga imannin gobollada dalka ee ay Hargeysa ku kooban yihiin, maaddaama oo waqtiga iyo dhaqaaluhuba koobnaayeen laga gaadhsiin waayey in gobollada laga soo xulo. Waxa uu Wasiirku sheegay inay muhiimad weyn leedahay in kor loo qaado Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ee Qawlka eebbe, tahayna masuuliyad saaran qof kasta oo Islaam ah, wasaaraddana waajibaad gaar ahi ka saaran yahay oo ay qaranka masuul uga tahay arrimaha Diinta.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa dowladda Jabuuti oo dowlad aynu walaalo nahay ah, iyadoo xidhiidh fiicani naga dhexeeyo wasaaradda Diinta, awqaafta iyo Hiddaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay tahay sannadkii saddexaad ee ay Somaliland ahaan innagu soo marti-qaadaan. Tartankaas oo loogu loo bixiyey tartanka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waa tartanka Qur’aanka kariimka ah, Ramadaan kasta waa la qabtaa, waxa uu magaalada Jabuuti ka bilaabmi doonaa toddobada bisha Ramadaan, waxaanu socon doonaa illaa 11-ka bisha Ramadaan haddii Illaahay idmo,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo awqaaftu.

Wasiir Khaliil waxa uu dardaaran iyo ducoba u jeediyey ardayda ay ka soo dhex bixi doonaan 3 arday ee tartanka Jabuuti ka qaybgeli doona, waxaanu yidhi; “Cidda innaga tegaysaa waxay noqonaysaa arday magaca Somaliland ku meteli doona shaygii ugu qiimaha badnaa ee Qur’aanka kariimka ah. Waxaannu idinka rejaynaynaa inaad diyaar-garaw adag oo aad la gashaan 30 dowladood oo ka soo qaybgeli doona tartankan Qur’aanka ee dalka Jabuuti ka dhici doona inaad guul weyn ka soo hoysaan. Mar baynu kaalinta labaad gaadhnay tartankaas, waan idiin ducaynayaa, Illaahay baan ka baryayaa inuu innagu guuleeyo tartankaas, karaamada Qur’aankana Illaahay sharaf innagu siiyo.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.