Dad Soomaali ah oo lagu dilay Rabshado Diridhabe ku dhex-maray Soomaalida iyo Oromada Itoobiya

DIRIDHABA OO RABSHADO DAD KU DHINTAY KA DHACEEN
DIRIDHABA OO RABSHADO DAD KU DHINTAY KA DHACEEN

Diridhabe(aftahannews):- Ugu yaraan saddex qof oo Soomaali ah, ayaa lagu dilay magaalada Diridhabe ee dalka Itoobiya, ka dib markii ay ka dhaceen halkaas, rabshado u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada oo habeenimadii xalay illaa maanta galinkii hore ka socday Xaafadaha Lagahare, Sheekh Xabiib iyo agagaarka Suuqa wayn ee Ashawa ee isla magaaladaas, sida ay warbaahinta Soomaalida iyo ta Itoobiya-ba ku warrantay.

DIRIDHABA OO RABSHADO DAD KU DHINTAY KA DHACEEN
DIRIDHABA OO RABSHADO DAD KU DHINTAY KA DHACEEN

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Galinkii hore ee axaddii maanta, ayaa waxaa la soo buux dhaafiyay goobihii ay rabshadu ka dhacaysay Ciidanka Militariga waxayna xidheen guud ahaan waddooyinkii xaafadahaas sidoo kale waxay xidheen Suuqii waynaa ee Ashawa. Hase-yeeshee, lama oga waxa dhaliyay rabshadahan, balse waxaa ku dhaawacmay 3 qof oo Soomaali ah.

Guud ahaan Soomaalida deggan magaalada Diridhabe ayay cabsi soo wajahday iyadoo Booliska magaaladu markay dhibaato dhacdo ay Soomaalida un garaacaan oo ay dhib badan u gaystaan. Rabshadahan ayaa ku soo hagaagaya xilli magaalada ay joogeen madaxda degaanada bariga Itoobiya oo shir dhanka Nabadgalyada ah halkaas uga socday.

Soomaalida ayaa rabshadan soo noqnoqotay ku wareeray, waxayna maanta dadka Soomaaliyeed ee deggan Diridhabe u ahayd maalin uga duwan maalmihii hore, iyadoo dadkuna uu badankii iska joogeen guryahooda.

Magaalada Diridhaba, ayaa saacaddan ah mid deggan, inkastoo aan la isku halayn karin degganaanshahaas. Waloow ciidan fara badani ay joogaan xaafadihii ay wax ka dhaceen, haddana laguma kalsoonaan karo oo lama garan karo inay wax dambe dhici iyo goorta ay dhici karaan, balse weli cabsidu way jirtaa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.