Maamulka Puntland oo Sheegay in Maraykanku Duqayn ku dilay Sarkaal sare oo Daacish ka tirsan

DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA EE AAN DUULIYAHA LAHAYN
DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA EE AAN DUULIYAHA LAHAYN

Garoowe(aftahannews):- Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa sheegay in duqeyn maanta ka dhacday tuullada Xidhiidho oo 3km u jirta degmada Isku Shuban oo ka tirsan gobolka Bari, lagu dilay Madax ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalladanta Puntland.

DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA EE AAN DUULIYAHA LAHAYN
DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA EE AAN DUULIYAHA LAHAYN

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Duqeyn duhurnimadii maanta lala eegtay gaadhi uu watay kuxigeenkii hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob iyo ku xigeenkiisa lagu diley.” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Gallan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA.

Wasiir Gallan, waxa kalo uu sheegay in guud ahaanba gaarigii ay saarnaayeen labadan sarkaal la gubay balse ma sheegin ciddii fulisay duqeyntanta oo maanta dhacday laguna dilay Cabdixakiim Dhoqobeed oo ah ku xigeenka Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxda Daacish ee ka howlgasha deegaannada Maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.