Ilhaan Cumar oo ku tilmaantay hadallo loo adeegsaday kuwo halis iyo kicin Dad ah

ILHAN OMAR
ILHAN OMAR

Washington (aftahannews):- Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaan ka tirsan koongareeska Mareykanka ayaa sheegeyso inaan la aamusin doonin kaddib markii ay kala kulantay cambaareyn xoogan khudbad ay uga hadashay weeraradii September 2001 iyo hadallo ay ka sheegtay madaxweyne Donald.

ILHAN OMAR
ILHAN OMAR

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa Twiterka kusoo qoray hadal ahaa”Waligeen ma hilmaami doono” iyo muuqaal tusinaya weeraradii September 2001 oo la barbar dhigay khudbadii Ilhan Cumar.

Hadalkeedii “Dadka qaar ayaa qalad sameeyay,” ayaa la arkayay iyadoo la dhex geliyay muuqaalka diyaaradahii lagu garaacay daaraha Twin Towers iyo dadka oo ka baxsanayay burburka dhismayaasha.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku eedeeyay inay weerarki September si xun uga hadashay, balse dimoqaraadiyiinta ayaa si weyn u difaacay, iyaga oo sheegay in si qaldan hadalkeeda loo tarjuntay qaarkoodna waxay ku eedeeyeen Trump inuu iyada iyo muslimiinta kale ku kiciyay dadka Mareykanka ah.

Waa tuma Ilhan Cumar?

Ms Ilhan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee aqalka Cad bishii November, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee muslimka ah ee ugu horeeyay abid oo loo doortay aqalka koongareeska Mareykanka.

Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horeysay oo xildhibaan ka noqoto koongareeska iyadoo xiran xijaab.

Inkastoo ay dhawaan soo gashay aqalka koongareeska ee Washington, haddana haatan ma ahan markii ugu horeysay oo Ms Cumar cinwaanada ugu horeeyo ee warbaahinta lagu qoro sheekadeeda.

Waxaa lagu eedeeyay Yahuud neceyb kaddib markii ay ka hadashay Israel iyo kooxaha u ololeeyo Israil.

Kaddib markii la cambaareeyay bishii la soo dhaafay oo xitaa xisbigeeda dimoqaraadiga ah ay dhaliileen hadaladii kasoo yeeray, raaligelin ayay ka bixisay waxayna sheegtay “inay qaadatay dhaliiceynta casharna ay ka baratay “.

Ilhan ayaa sidoo kale ka hadashay fikradaha islaam neceybka ah ee ku hareereysan muslimiinta, xili ay ka falcelineysay hadal uu soo qoray xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga isaga oo ku dhajiyay sawir muujinaya daarihii Twin Towers oo gubanaya.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, booliiska ayaa ku xiray nin 55 jir ah gobolka New York kaddib markii lagu eedeeyay inuu xafiiskeeda ku dhajiyay sawir loogu handadayo dilkeeda kaasi oo uu ku sheegay inay tahay “argagixiso”.

Maxay ku hadashay Ilhan?

“Dadka qaar ayaa qalad sameeyay”oraahdaan ayaa ku jirtay khudbadii Ms Cumar ay ka hor jeedisay koox u doodda xuquuqda rayidka, ee golaha xiriirka muslimiinta Mareykanka ee (Cair), 23 bishii Maarso.

Khudbad 20 daqiiqo soconeysay ayaa waxay uga hadashay arrimaha saameynaya bulshada sida islaam-neceybka iyo weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday masaajid ku yaalla New Zealand.

Hadaladaasi oo lagu soo daray muuqaal uu bartiisa Twiterka soo dhigay madaxweyne Trump ayaa laga qaatay qodob ay uga hadashay sida loola dhaqmo muslimiinta Mareykanka kaddib weerarkii September 2001.

“Runta ayaa ah. Inaa in muddo ah kusoo nooleyn inagoo neceb ahaanshaha muwaadiniin heerka labaad ah, si run ahna markii loo hadlo waan ka daalnay arrintaas, qof walba oo muslim ah oo ku nool dalkaan waa qasab inuu necbeystay arrintaas.Gollaha muslimiinta Mareykan ee Cair waxaa la aasaasaay 9/11 maadaama ay qirteen in dadka qaar ay sameeyeen qalad inaga dhana aan bilownay inaa noqono dad luminayay xuquuqdii iyo xuriyadoodii sababo la xiriira qaladkaas dhacay.”

Sidee arrintaan u baahday?

Khudbadeedii 9-kii bishan April ayaa dad badan soo jiidatay, kaddib markii uu baahiyay xildhibaan Texas ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kaasi oo ku tilmaamay in hadalkeeda uu yahay ” mid aan la qaadan karin”.

Warbaahinta muxaafidka ee gudaha Mareykanka oo ay ka mid yihiin Fox News ayaa durbaba bilaabay in arrintaan ay uga hadlaan si qoto dheer.

Ronna McDaniel, oo ah madaxa Guddiga Qaran ee Jamhuuriga ayaa ku tilmaamay xildhibaan Ilhan inay tahay qof “kasoo horjeedo Mareykanka “.

Ms cumar ayaa arrintaasi uga jawaabtay iyada oo ku tilmaantay hadalada qaar “kuwa halis ah oo kicinaya dadka, taasi oo dhalisay halista isoo wajahayso” waxayna isbrarbardhig ku sameysay hadaladeeda iyo kuwii uu horey u yiri madaxweyne George Bush.

Maalinkii Jimcaha, madaxweyne Trump ayaa bartiisa twiterka soo dhigay muuqaalka Ms Cumar, waxaana la dhigay halka ugu sareyso koontadiisa iyada oo la wadaagay tobanaan kun oo jeer.

Waa sidee falcelinta dadweynaha?

Dad badan oo adeegsada baraha bulshad ayaa ka falceliyey arrrintaan iyagoo adeegsanaya calaamada afar-geesoodka ah waxayna baahinayeen erayo ka dhigan #WaxaangarabtaaganahayIlhan, taasi oo ku baahday jimcihii guud ahaan Twiterka.

Xigasho BBCSomali.com.