Madaxweyne Farmaajo oo hanjabaad kaga jawaabay Muddaharaaddada Muqdisho gilgilay

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo
Muqdisho (aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa galinkii dambe ee Sabtida si aan hore looga baran oo hanjabaad ah uga hadlay isu soo baxyo ay ka dhigeen caasimadda Muqdisho Shacab ka cadhoodey dil loo geystay wiil bajaajlaha ahaa iyo qof la socday.
Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo
Dibadbaxa oo ay rabshado ka dhasheen, ayuu madaxweynaha ku tilmaamay mudaharaad ‘lagu burburinayo sharafka iyo sumcadda Soomaaliyeed’ , wuxuu sheegay inaysan yeeli doonin bannaanbaxyada nooca ah.
” Dowlad dimuquraadiyad – baan nahay. Mudaharaad aan sharciyeeysneyn, mudaharaad lagu burburinayo sharafka iyo sumcadda umadda Soomaaliyeed, Mudaharaad ganacsatada looga burburinayo hantidoodda ma yeelayno, ma ogaalaneyno.. waxaan ognahay argagixisada ku hoos jirta.” Sidaa ayuu yidhi Farmaajo.
“Dowladani waddadii caddeed ayey cagta saartay mana soo noqoneyso, umadda Soomaaliyeed way socotay…waxaan soo marney waad ogtihiin qabiil iyo qabyaalad yaan been la idin kugu sheegin ,danley yeysan been ku sheegin.. Soomaaliya waxa meeshan dhigay waa danley siyaasadeed waa dad qabyaaladeystayaal ah”. ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha oo hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Warta-Nabada ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay dhimashada labada dhallinyarada ah, isagoo tilmaamay in askarta looga baahan yahay inay shacabka naftooda difaacaan,balse madaxweynaha ma soo hadal qaadin dadka kale ee Shacabka ahaa ee iyana la dilay intii ay bannaan baxyada socdeen, iyadoo warbaahinta maxalliga ah ay ku warrantay  in dadka ay Ciidanka booliska dileen ay gaarayaan 4 qof oo uu ku jiray Wiil dhallinyaro ah oo u gargaari jiray dadka barakacayaasha ah.
Maamulka madaxweyne Farmaajo oo labo sanno iyo bilo hoggaaminaya dalka ayaa lagu dhaliila ammaanka,iyadoo labadii sanno ee u dambeeyay ku dhawaad toddobo dhallinyaro ah oo ka mid ah kuwa darawaladda ka ah mootadda bajaajka ay Muqdisho ku dileen ciidanka booliska, balse isu soo baxyadii maanta dhacay waxay u muuqdeen kuwa si dhaqso ah ugu baahay degmooyinka Muqdisho,taas oo markii hore dad badan ay shaki-galinayeen.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com.