Itoobiya oo Sheegtay inay fashilisay weerar Al-shabaab ka fulinaysay Addis Ababa

Xeerilaaliyaha guud ee federaalka Itoobiya
Xeerilaaliyaha guud ee federaalka Itoobiya

Addis Ababa (aftahannews):-Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay weerar argagixiso oo laga fulin lahaa qaybo ka mid ah magaalada Addis Ababa in la fashiliyey, shaqsiyaadkii weerarkaasi fulin lahaana gacanta lagu dhigay.

Xeerilaaliyaha guud ee federaalka Itoobiya
Xeerilaaliyaha guud ee federaalka Itoobiya

Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Birhaanuu Seggaaye wuxuu intaa ku daray in shaqsiyaadka falkaasi loo qabtay ay yihiin kuwa xiriir la leh ururka al-shabaab ee ka dhaqdhaqaaqa gudaha Soomaaliya.

Shaqsiyaadka la qabtay oo aan tiradooda la shaacinin xeer ilaaliyaha wuxuu ku sheegay iney doonayeen iney qaraxyo ka sameeyaan goobaha ay dadku ku badan yihiin balse inta ay falka fulin ka horba gacanta lagu soo dhigay.

“Shaqsiyaadka la qabtay qaarkoodna waxaa la sheegay iney xiriir la leeyihiin ururrada xagjirka ee caalamka ka jira” ayuu yiri

Shaqsiyaadka falkaasi iney sameeyaan iisu diyaarinayey loogana shakisan yahay inta ay fulin ka hor waxaa gacanta ku soo dhagtay laanta sirdoonka qaranka ee dalka Itoobiya.

Waxaana shaqsiyaadkaasi lagu qabtay dokumantiyo muujinayo weerarka ay damacsanaayeen qaabka ay u fulin rabeen iyo xog kale oo muhiim ah kooxdaasi la xiriirta.

“Sida ay wax u damacsanaayeen haddii ay wax u dhici lahaayeenna waxaa ka dhalan lahayd khasaaro naf iyo maalma leh” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud.

Dhawaanna waxaa la shaacin doonnaa faahfaahinta ku saabsan falalka argagixiso ee lala damacsanaa in dalka Itoobiya laga fuliyo goobaha la rabay in qaraxyada laga fuliyo.

Wuxuuna xeer ilaaliye Birhaanu Seggaaye uu shirkiisa jaraa’id uu ku sheegay 10-kii bilood ee la soo dhaafay in la qabtay hub sharci darra ah oo ay ka mid yihiin 21 daba jeex, 270 AK-47, 33kun oo bustooladood iyo rasaas ka badan 300,000.

Waxaana sida oo kale la qabtay ayuu yiri “dad looga shakiyey falal musuqmaasuq oo ay tiradooda gaareyso 56 oo malaayiin doolar dalka ka musuqmaasuq”.

Xigasho BBCSomali.com.