Madax-dhaqameed si adag uga hadlay Dhul Madaxtooyadu awood Ciidan kagala wareegtay oo la dhisay

Hargeysa (aftahannews):- Salaaddiinta Waxgaradka, Siyaasiyiinta Beesha Oday Maxamed xasan dalab oo ah mulkiilaha dhul la sheegay in laga dhisayo madaxtooyo cusub, muddana xoog ay ku dhisayeen ciidamada millatariga Somaliland ayaa si adag uga hadlay dhacdadan iyagoo fariin u diray madaxwayne Muuse Biixi oo ay ku eedeeyeen in uu isagu hawshan wado,6 sifo sharciga baalmarsana uu doonayo in uu dhulkan ku qaato.

Ugu horanya waxaa arinta xooga loogu haysto beertiisa iyo marxaladihii ay soo martay ka hadlay oday Maxamed Xasan Dalab iyo Cabdi Ismaaciil oo isna kamida qoyska leh Beertani.

Sidoo kale, Waxaa iyagu si kulul Ucanbaareeyay talaabada Madaxwayne Muuse biixi Uu Ku haysto beerta Maxamed xasan dalab Ex Xidlhibaan Xasan Xaydh, Suldaan Siyaad, Cabdiqaadir Sheikh Yuusuf sh. Madar Iyo Caaqil Shaqale, kuwaasi oo dhamaantood wacad ku maray in aanay suurto gal ahayn in beerta Maxamed Xasan xoog lagu qaato sharciga uu ku leeyahayna uu yahay ka Madaxwaynaha ka  dhigay Muuse.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkaas:-

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.