Masar: Maxkamad Dil ku Xukuntay 529 Qof oo ka tirsan Taageerayaashii Maxamed Mursi

Qaahira(Aftahannews):- Maxkamad ku taalla Masar ayaa dil ku xukuntay 529 ruux oo taageersan Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Masar Maxamad Mursi. Dadkan ayaa la sheegayaa inay ka tirsan yihin ururka dalka Masar laga mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiinka.

TAAGEERAYAASHA MAXAMED MURSI

taagerayaasha Mursi 131010153605_egypt_military_304x171_ap_nocredit

Waxaa loo soo jeediyay eedeymo ay ku jiraan inay wax dileen. Mas’uuliyinta Masar ayaa olole ku qaaday ururka Ikhwaanul Muslimiinka tan iyo markii militerigu uu xukunka ka tuuray Maxamad Mursi.

Kumanaan kun oo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiinka ayaa la xiray iyadoo boqolaal kalena la dilay. Maxkamaddan oo ku taalla degaanka Munya ayaa go’aanka gaartay kaddib laba fadhi oo dacwadda lagu dhagaystay.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in qareennada u doodayay eedeysanayaasha ay sheegeen in aysan helin waqti ay dacwadda kaga doodaan.

Weerarrada dadkan lagu haysta ayaa la sheegayaa inay dhaceen kaddib markii ay dowladda xoog ku kala dirtay dibedbaxyadii lagu taageersanaa Mursi bishii August ee 2013-ka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.