Ethiopia oo xidhay 59 masuul oo musuq-maasuq lala xidhiidhiyey

Addis Ababa (Aftahannews) – Dawladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday inay xabsiga u taxaabtay 59 masuul oo ka mid ah saraakiisha dawlada, kuwaas oo ku eedaysan musuqmaasuq, sida ay faafisay warbaahinta dawlada Ethiopia ee FANA oo ay soo xigatay Shabakada Aftahannews.

Xubnaha la xidhay ayaa waxa ku jira masuuliyiinta afar hay’adood oo dawlada ka tirsan oo ay ka mid yihiin Madaxa Hay’adda Maamusha hantida dawladda iyo hay’adda xidhiidhada ganacsiga Ethiopia.

Sidoo kale dadka la xidhay ayaa waxa ku jira ganacsato lala xidhiidhiyey musuqmaasuq, sida uu sheegay Xeer-Ilaaliyaha Guud ee dalka Ethiopia, Birhanu Tsegaye, oo warbixin kooban ka siiyey warbaahinta xadhigaasi dhacay galabnimada maanta oo Jimce ah.

Sidoo kale Masuuliyiinta la xidhay waxa ka mid ah masuuliyiin ka tirsan hay’adda dawlada u qaabilsan soo iibinta dawooyinka oo lala xidhiidhiyey musuqa gaadhaya $24 million oo dollar oo daawo lagu soo iibinayey si Farmasiiyadaasi looga caawiyay dawooyinka si ay gacan uga geystaan adeegyada caafimaada oo ay dadka u jabiyaan.

Xeer-Ilaaliyaha guud ee dalka Ethiopia waxa kale oo uu sheegay in dhamaan musuqmaasuqaasi la sameeyey intii lagu gudo jiray heshiisyo wax lagu soo iibinayey ama wax lagu dhisayey.

https://fanabc.com/english/2019/04/police-detain-several-individuals-on-suspicion-of-corruption-planning-to-carry-out-terror-attacks/

 

Aftahannews.com
Aftahaninc@gmail.com