Reer Baydhabo oo maalintii labaad ku muddaharaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan: Daawo

Baydhabo(Aftahannews):- Muddaaharaadyo lagaga soo horjeedo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii ku-meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Muddaaharaadayaasha ayaa sheegay inaysan doonayn in xildhibaan Shariif Xasna uu sii joogo Baydhabo, waxayna qaarkood oo warbaahinta la hadlay sheegeen inay ku boorrinayaan madaxda dowladda inay xildhibaanka ka saaraan Baydhabo.

Waxaa la arkayay dibadbaxayaasha oo isku dhigaya gaadiidka AMISOM, iyagoo ku qaylinayay erayo ay ku sheegayeen inaysan ilaalin Shariif Xasan, iyadoo weli ay ka jirto magaalada Baydhabo xiisad kacsanaan ah.

“Innagu waan tashannay, waxaan dhisannay maamul lix gobol ka kooban, innaga ayaana go’aanka iska leh, waana taageersannahay. Ma doonayno xildhibaan Shariif Xasan waayo wuxuu damacsan yahay inuu maamul kale dhiso si uu gobolka uu kala qaybiyo,” ayay saxaafadda u sheegeen dumar iyo rag dibad-baxa ka qaybgalayay.

Sidoo kale, bartamaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta ka dhacay is-rasaaseyn kooban oo u dhexeysay ciidammo kala taaageersan Shariif Xasan iyo Madoobe Nuunoow oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed.

Garoonka diyaaradaha iyo saldhigga booliiska magaalada Baydhabo ayaa amnigooda aad loo adkeeyay, iyadoo sidoo kale lagu arkayo magaalada kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda.

Mudane Shariif Xasan ayaa wuxuu hormuud u yahay shir la doonayo in lagu dhiso maamul ka kooban saddex gobol oo kasoo horjeeda maamulkii horay loo dhisay ee ka koobnaa lixda gobol, kaasoo ay dowladdu ku sheegtay inuu yahay mid dastuurka dalka aan waafaqsanayn.

Shacabka degmada Baydhabo ayaa baqdin weyn ka qaba in dagaallo u dhexeeya taageerayaasha labadan dhinac ay ka dhacaan degmada, iyadoo cid walba ay isha ku hayso sida ay xalaaddu isku bedeli doonto.

Halkan ka daawo Muuqaalka Muddaharaadka lagaga soo horjeedo Shariif Sh. Aadan ee ka dhacaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Xigasho Hiiraan.com.