Reer Somaliland loo tilmaami maayo sida loo Beddelo Madaxweyne-yaashooda!

Madaxweyneyaashii Somaliland soo maray 1991 illaa 2019
Madaxweyneyaashii Somaliland soo maray 1991 illaa 2019

Millatariga dalka Sudan ayaa xukunka ka tuuray Madaxweyne Cumar Xasan Axmed Al-bashiir, kaasoo xilka hayey muddo 30 sanno ah, laga soo bilaabo sannadkii 1989-kii ilaa 11 April 2019, waxaannu hormuud u ahaa saraakiil millatari oo xukunka ka tuuray Xukuumad si dimuqraaddi ah loo doortay oo uu Ra’iisal-wasaare ka ahaa Sadiq Al-mahdi 1989-kii, balse isagiina waxa 30 sanno kadib xilkii kala wareegay ciidanka oo soo saaray xukun millatari oo muddo laba sanno ah sii xukumi doona dalka Suudaan.

Madaxweyneyaashii Somaliland soo maray 1991 illaa 2019
Madaxweyneyaashii Somaliland soo maray 1991 illaa 2019

Haddaba, bulshada reer Somaliland ee isticmaala baraha bulshada (Social Media) ayaa si xooggan u falanqeeyey afgambigaas ka dhacay dalka Suudaan oo ka dambeeyey kacdoon shacbi oo dalkaas ka socday muddooyinkii u dambeeyey, waxayna qaar ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland soo qorayaan hadallo ay ka mid yihiin in nidaam keligii-taliye ah ka jiro dalka Somaliland, loona baahan yahay in kacdoon shacbi xukunka lagaga tuuro.

Shaqsiyan doodaha noocaas ah waxa aan u arkaa inay yihiin qaar cay ku ah nidaamka dimuqraaddiga ah ee ka jira dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ay runtii qaybo badan oo Adduunka ah qirsan yihiin, kuna ammaaneen Somaliland. Sidoo kale doodda odhaysa; ‘hoggaamiye keligii-taliye ah ayaa xukumada Somaliland’ waxay lid ku tahay dastuurka qaranka Somaliland ee lagu ansixiyey aftida dadweyne taariikhdu markii ay ahayd 31 May 2001-kii.

Waxa ay doodda noocan ah si gaar ah u lid ugu tahay qodobka 9-aad, farqaddiisa 1-aad ee dastuurka Somaliland uu u dhigan sidan; “Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraaddiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.”

Waxa kaloo ay doodda noocan ah ka hor imanaysaa qodobka 88-aad ee Dastuurka u u dhigan sidan;
QODOBKA 88AAD
MUDDADA XILKA
1. Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka bo dhaariyo.
2. Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.

Halka sidoo kale ay ka hor imanayso qodobka 83-aad ee dastuurka oo lagu qeexay habka loo dooranayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Tusaalaha inoo muuqda ee la wada arkayo, isla markaana muujinaya in aannu nidaam Keligii-taliye ah ka jirin, soona marin dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa caddayn u ah in ay talada waddanka soo mareen shan Madaxweyne oo xilalka isku soo wareejiyey muddada ay Somaliland jirtay ee ah 28-ka sanno ah (1991 ilaa 2019), waxayna Madaxweyneyaashaasi kala ahaayeen;
1. Allaah ha u naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuuro) oo xilka Madaxweynenimo hayey bishii May 1991 ilaa May 1993.

2. Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo xilka hayey bishii May 1993 ilaa 3 May 2001-kii.
3. Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo xilka Madaxweynenimo hayey bishii May 2001 ilaa 27 July 2010.

4. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo xilka hayey 27 July 2010 ilaa 13 December 2017.
5. Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xilka Madaxweynenimo la wareegay 13 December 2017 oo ilaa hadda xilka haya (sida dastuurku dhiganaya wuxuu xilka haynaa muddo shan sanno ah (13 December 2017 ilaa 13 December 2022).

Waxa xusuus mudan in labada Madaxweyne ee hore ee kala ah; Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Maxamed Ibraahim Cigaal (labadoodaba Ilaahay ha u naxariistee) ay xilka soo qabteen ka hor intii aan la ansixin dastuurka Somaliland, balse saddexda Madaxweyne ee dambe waxay xilka ku kala kala wareegeen nidaamka dimuqraaddiga ah ee doorasho ku salaysan codka dadweynaha.

Haddii aynu xisaab ahaan isku eegno muddada 28-ka sanno ah ee ay Somaliland jirtay iyo shanta (5) Madaxweyne ee u kala dambeeyey, una qaybino muddo-xileedka ku cad dastuurka ee ah in Madaxweynuhu xilka haynayo tahay 5 sanno, waxa soo baxaysa in Madaxweyne walba uu xilka hayey muddo 5 sanno iyo lix bilood ah, taasina waxay meesha ka saaraysaa doodaha Madaxweyneyaasheena ku tilmaama inay yihiin keli-taliyeyaal.

Madaxweyneyaasha Somaliland laguma beddelo, xilkana lagagama qaado awood millatari iyo kacdoon shacbi, balse waxa xilka looga beddelaa hab dimuqraaddi ah oo ku salaysan doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo ay dadweynaha muwaadiniinta ah fartooda ku doortaan kolba Madaxweynaha ay is leeyihiin horumar ayuu dalka u horseedi doonaa.

Fiiro gaar ah: Sawirrada iyo shaxda liiska Madaxweyneyaasha Somaliland waxa aan ka soo xigtay google.com.
By: Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.