Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u magacaabay Xidhiidhka Ingiriiska iyo Itoobiya, maxaase iska beddelay?

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Siilaanyo Guddi Afar Wasiir ah oo uu isagu Guddoomiye u yahay u magacaabay xoojinta xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka Ingiriiska iyo Itoobiya.

Sidoo kale, waxa uu Wasiir Biixi ka hadlay Warbixin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu horgeeyey Ergayga u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Nikolas Kay oo sheegaysay inay Xukuumadda Somaliland cabbudhin ku hayso xorriyadda Xisbiyada Siyaasadda iyo madax-bannaanida Saxaafadda, balse waxa uu ku dooday in xidhiidh fiicani ka dhexeeyo Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi gaar ah oo uu maanta la yeeshay Weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Telefeshinka Qaranka Somaliland waraysigaas su’aalaha lagu weydiiyey Wasiirka Jawaabaha uu ka bixiyey ka dhegayso halkan hoose ee Aftahan Radio.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.