Dood ka dhalatay Digreetooyinka Madaxweyne Biixi soo saaray

Hargeysa (Aftahannews) – La-taliyaha dhinaca Imtixaanaadka ee Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda, Axmed Gahayr oo Maanta hadal ka jeediyey Munaasibad uu xilkii Hay’addaasi ku wareejiyey Sharmaarke Axmed Muxumed (Geelle), ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu beddelo hadba Masuul waxqabad lagu tuhmayo, taasina khalad ku tahay Shacabka oo arkaya hadba Qofka shaqadiisa ka adag.

Axmed Gahayr wuxuu sheegay in sababta uu uga Dacwoonayo Wareegtooyinka uu Madaxweynuhu soo saaro ay tahay inay kala garan waayeen in Madaxweynuh dalacsiiyey Sharmaarke iyo inuu Casilay, maaddaama oo isaga oo ah Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda, loo magacaabay Safiir ku-xigeenka Somaliland u fadhiya Kenya.

Mr. Gahayr oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan Mushtaki ka ahay Wareegtooyinka Madaxweynaha ka soo baxda, Waayo? Nin kasta oo wax-qabanaya oo aad u bogayso oo aad is leedahaymeeshaa ha ku yar raago duco-qabe ayuun baa ka dambaynaysa. Waxaan leeyahay Wareegtada Madaxweynaha, Dadweynuhu mid bay ku leeyihiin, markaa waxaan leeyahay Madaxweynaha, wixii dambe ha la noo sheego (Sababta lagu beddelay), Waayo? Imika waxaanu isku haysanaa Sharmaarke miyaa la casilay, mise waalla dalacsiiyey..”

Axmed Gahayr intaanu hadalka ka bixin wuxuu halkaa ka sheegay inaanu Dadka ka garanayn Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Biixi, marka laga reebo Wasiirka Wasaaradda degaanka, “Run baan idiin sheegayaaye, Anigu Wasiir Shugri mooyaane, Wasiirrada kale mid kama garanayo..” ayuu yidhi.

Laakiin, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa isagoo ka jawaabaya Arrinta Wareegtooyinka ee Axmed Gahayr ka hadlay wuxuu yidhi “Axmed Gahayroow, adiga laftaadu malaha Liiska ayuun aad iska yar waydee, wareegtadu way iska soo baxdaa uun, qaarna way sugaan uun, Waayo? Waa iska wareegto, intayada xilka haysaa waxaanu nidhaahnaa tolow maad ku jirtaa, intiina dibedda joogtaana waxaad tidhaahdaan miyaad ku jirtaa, laakiin shaqo badan baan jirin, haddana fursaddaa yar isku war-wareegga ah ayaa la kala sugaa..”

Wasiirka Qorshaynta, Mr. Shirwac oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa ka jawaabay sababta aan Dadka looga dhex Aqoonin Wasiirrada Xukuumadda, waxaanu yidhi “Waa runtii, haddaanu nahay Wasiirrada cusub la nama yaqaano, laakiin Anigaa kuu sheegaya sababtaad noo baran waydeen, Xafiiska shaqada ee aanu galno ayuun baanu fadhinaa, haddaanu soo baxnana Askar iyo Baabuur badan ma wadano ee waxa laga yaabaa inaan soo lugeeyay..”