Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Miisaaniyadda 2014-ka, dilka Odayaashana cambaareeyey

Muqdisho(Aftahannews):- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan ay yeesheen ku ansixiyey Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka dawladda dhexe ee Soomaaliya ku shaqayn doonto sannadkan aynu ku jirno ee 2014 illaa inta laga gaadhayo 2015-ka.

Golaha Wasiirada Soomaaliya

Kulanka ay maanta isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, waxaa sidoo kale intii uu socday lagaga wadahadlay arrimo kala duwan oo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Miisaaniyadda oo ay dood iyo falanqayn ka dib ansixiyeen,  weerar Odayaasha dhaqanka lagu laayey shalay gobolka Baay, dagaallada xoogaystay ee Al-Shabaab lagula jiro, adkaynta ammaanka iyo qodobbo kale.

Golaha Wasiirrada ayaa bilawgii kulankaas warbixin ka dhegeystey Axmed Cabdi Aadan (Iraad) oo isagu ah Agaasimaha Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya. Waxaanu faahfaahin iyo sharraxaad ka bixiyey halka laga filayo in Miisaaniyadda dowladda badankeedu ay kasoo xerooto iyo weliba arrimaha ugu muhiimsan ee Miisaaniyadda sannadka 2014 lagu fulin doono.

Dood dheer ka dib, ayay Golaha Wasiirradu ansixiyeen Miisaaniyadda dowladda inta u dhexeysa 2014-2015 oo ah 218 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah, lacagtaas -oo sida la saadaaliyey- badankeedu ka imaan doonta dhanka cashuuraha ay dawladdu qaaddo.

Meel-marinta Miisaaniyadda ka sokow, waxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya si kulul u cambaareeyeen weerar shalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay. Weerarkaas oo lagu diley siddeed Oday oo ka tirsanaa Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka gobolka Shabeellada Hoose, wuxuu Goluhu ku tilmaamay mid waxiishnimo ah oo ay dad maan-gaab ahi geysteen.

Miisaaniyadda sannadka 2014, ayaa maalmaha soo socda loo gudbin doonaa Golaha Wakiillada, si ay uga doodaan ka dibna u ansixiyaan amse u diidaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.