Ujeeddada Safar Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku tegeen dalka Kuite

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyagoo socdaal shaqo ugu baxay waddanka Kuite oo ay kaga qaybgeli doonaan Shir-Madaxeedka Waddamada Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Weftigiisa, ayaa ujeeddada socdaalkooda dalka Kuite ay ugu kicitimeen ku sheegay inay halkaas kaga qaybgeli doonaan Shir-Madaxeedka Waddamada Xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, kaasoo la filayo inuu maalmaha soo socda ka furmo Kuite.

Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa xubno ka ah Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasii ay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Xubno Wasiirro ah, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweeynaha ayaa waxa safarkiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan golaha baarlamanka Soomaaliya, waxaana wafdiga sagootiyay wasiiro iyo madax ka tirsan dowladda oo uu kamid yahay gudoomiyaha baarlamanka dalka Prof: Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.