Ciyaaryahan Ku Sigtay Dhimasho, Xilli uu Hooyadii u la hadlayey

Aftahannews/Sports)- Difaaca birta ah ee kooxda Liverpool iyo xulka Holland Van Dijk ayaa daaha ka rogay inuu mar dhimasho ku sigtay isagoo xitaa ka dar-daarmay hantida yar uu lahaa.

27-jirka ayaa 17-jr ahaa markii ay dhacdadani qabsatay kaddib markii uu diiday inuu tababarka joojiyo xilli uu la dhibtoonayay xannuun mindhicirad ah.

Ciyaaryahankan ka ciyaara difaaca  ayaa diidannaa inuu saddex maalmood u tago  dhakhtar, hooyadii oo walaacsan ayaa u yeedhay Ambalaas ka hor inta aannu laacibkanni garowsan qiyaasta xaaladiisa dhaawac.

Van Dijk ayaa berigaa u ciyaarayay kooxda Groningen ee ka dhisan dalkiisa Holland wuxuu yidhi “Indhahaygu waxay u muuqdeen qof dhintay, waxay ahayd khibrad aad u xun.“Markii ugu horreysay nolosheyda, kubbada cagta wax micno ah iima lahayn. Gabi ahaanba wax muhimad ah iimay lahayn, waxaan isku dayay in aan noolaan lahaa.