Gabadh Ninkeeda Maxkamad Ku Taagtay inuu Ka Jeclaaday Hooyadii

Hargeysa (Aftahannews)- Haweenay u dhalatay dalka , ayaa furriin ka dalbatay saygeeda iyadoo dacwad ka geysay maxkamad sabab la xidhiidha  inuu ka doorbiddo kana jecel yahay hooyadii.

Xaaska oo aan la shaacin magaceeda ayaa sabab uga dhigtay go’aankeeda furriinka in saygeeda uu ka jecel yahay hooyadii, waxayna tani layaab ku noqotay garsoorayaasha iyo qareenada maxkamadda sida laga soo xigtay wargeyska dalka Kuwait ee Al-Qabas.

Maxkamadda ayaa wali go’aan ka gaadhin dacwadda hase-ahaatee waxaa dib loo dhigay fadhiga kale ee lagu dhageysanayo si fursad loo siiyo lamaanaha .

Qareenka u doodaya ninka eedeysanaha ah ayaa u sheegay  “Haddii aan taagnaan lahaa booskaaga hal daqiiqo lama sii joogi laheyn haweenaydan.”

Ninka ayaa u sheegay qareenkiisa inuu daneynayo inay wada joogaan xaaskiisa oo ay u hayso carruur.

Dhaqanka gabadhin ku kacday ayayna dumarka soomaalid ahi ka madhnayn, markuu wiilku hooyaddii jeclaado in ay caddaadis uga dhigta in aanay arki Karin hooyaddii.