Saraar: Laba Qof oo u Geeriyooday Xannuun ka dilaacay Gobolka

Hargeysa (Aftahannews) – Inta la ogyahay laba Qof ayaa ku geeriyooday degmada War-idaad oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Saraar ee Somaliland.

 Labadan Qof ayaa ku Geeriyooday Cudurka Soomaalidu u taqaanno Gawracatada, kaasi oo ka dillaacay degaano ka mid ah Gobolka Saraar, waxaana Cisbitaallada Gobollada Saraar iyo Togdheer lagula tacaalayaa Dad kale oo uu Xanuunkaasi soo ritay.


”Laba Qof ayaa u dhintay Xanuunka Gawracatada oo faro-baas ku haya degaanka..” ayuu yidhi, Maayarka degmada Saraar Axmed-qani Xaaji Yuusuf oo Maanta la hadlay Warbaahinta.

Maayarku wuxuu tilmaan ka bixiyey Calaamadaha Cudurka Gawracatada ee Dadku u dhinteen ”Qofka Qanjaha ayaa bararaya, dabadeedna naqaska ayaa qabanaya, Cisbitaalkana waxa ka buuxa Dadka xanuunkaasi hayo, waana Dadka da’da yar..”ayuu yidhi.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saraar. Nuur Qaasim Qodax oo isaguna baaq u diray Wasaaradda Caafimaadka ”Waxaanu Wasaaradda Caafimaadka aad iyo aad uga codsanaynaa inay gurmad deg-deg ah nala soo gaadho..”ayuu yidhi.