Cristiano Ronaldo oo Su’aal Hadal-hayn dhalisay weydiiyey Taageere

Hargeysa, (Aftahannews/Sports)-Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayuu xilli ciyaareedkiisii koowaad ee kooxda Juventus yahay mid guuleed kaddib markii uu 24 gool usoo dhaliyay dhammaan tartamada oo dhan.

Ronaldo ayaa ilaa haatan saddexdiisa gool ee ugu muhiimsan ka soo dhaliyay kooxda Atletico Madrid kulankii uu sida cajiibka ah ugu soo saaray wareega siddeed dhammaadka Champions League.

Juve ayuu haatan kula raaxaysanayaa xilli ciyaareed weyn iyaga oo 15 dhibcood ku haya hoggaanka horyaalka Serie A waxaana uu soo dhaliyay 19 gool oo horyaalka ah.

Taa bedelkeeda kooxdiisii hore ee Real Madrid ayaa dhibaataysan iyaga oo booska saddexaad ka fadhiya kala sarreynta La Liga isla markaana ay tartanka Champions League ka saartay kooxda Ajax.

Haddaba, Dhacdada uu taageeruhu kaga codsaday CR7 inuu maaliyada u saxeexo ayaa dhacday xilli uu ku jiray waajibkiisa xulka qaranka oo uu isku diyaarinayay galista garoonka.

Ronaldo ayaa muujiyay halka ay haatan daacadnimadiisu tahay iyo inuu yahay ciyaartoy Juventus ah isaga oo taageeraha oo watay maaliyad uu ku qoran yahay magaciisu balse Madrid ah kula kaftamay su’aasha ah “Miyaanad haysan maaliyada Juventus?”

Khadar Jacayl