Biixi Oo Ka Hadlay Colaada Puntland Ka Waddo Gobolka Sanaag

Hargeysa (Aftahannews)-Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dhaqaaqyo Maalmihii u dambeeyay Ciidammada Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ka wadeen degaannada  bariga Sanaag.

Madaxweyne Biixi oo Maanta Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland u jeediyey khudbad-sannadeedka 2019-ka, ayaa sheegay in xuduudka Somaliland ee dhanka bariga ay dhaqdhaqaaqyo amni-darro ka wadeen Ciidammada Puntland.

Madaxweyne Biixi oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi ”Soomaaliya waxaynu xad ka leenahay maamul-goboleedka Puntland. Waxaannu u haynaa walaalnimo, iskaashi iyo nabad-gelyo. Waxaase maalmahan dambe soo kordhaya ciidamo maamulkaasi ah oo ka soo gudbaya Xadka inoo dhexeeya, falal nabad-gelyo darro ahna ka sameynaya gudaha Somaliland. Soomaaliya waxaannu ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida Gobolka wax yeelaya. Waxaannu ka digaynaa haddii waanadayada la weelayn waayo, in Dawladda Somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabadda iyo hantida muwaadiniinta Somaliland.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay oo kale inay Somaliland door weyn ka ciyaarayso isbeddellada siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika ”Somaliland waxay diyaar u tahay in ay door weyn ka ciyaarto isbeddelka dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee ka socda Geeska Afrika. Hase yeeshee, Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran madax-bannaan oo weligii jiray, haddana jooga, kana jiri doona Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba. Waa Qaran ku leh qeybtiisa iyo miisaankiisa isbeddelka ka socda Gobolka Geeska Afrika. Cidda Somaliland iska indha-tirtaa, waxay xagal-daacinaysaa isbeddelka iyo horumarka uu beegsanayo Geeska Afrika, waxaanay si taban u saameyn doontaa horumarka iyo iskaashiga Gobolka..”ayuu yidhi.