Tababare Zidane Oo  Ka Faallooday Dedaalkii Waayihiisii Ciyaareed

Hargeysa, (Aftahannews/Sports)-Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa dib u gocday maalmihiisii ciyaartoynimo waxaana uu si faah-faahsan uga faalooday dhibaatada uu kasoo maray kubadda cagta iyo sida uu ugu dagaalamay noqoshada midka ugu fiican.

Ka hor inta aannu noqon tababare cajiib ah oo lagu xuso door macalinimo, Zidane ayaa ahaa mid kamid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida isaga oo isku soo muujiyay heer xul iyo heer kooxeedba.

Zidane oo ka warramaya dhibaatada uu soo maray ayaa sheegay inuu ugu horreynba ogolaansho ka helay waalidkiisa intaa kaddibna uu ahaa mid aan doqon baarka gala ahayn balse uu waxkasta usoo sameeyay si uu kubadda cagta heer uga gaadho.

Dhinaca kale Zidane ayaa hadalkiisa ku daray isbar-bardhiga jiilkiisii iyo jiilka haatan isaga oo tilmaamay in wakhtigiisii ay adkayd sida fursad lagu helaa balse haatan da’yarta si deg deg ah fursad loo siiyo.

Zizou ayaa yidhi “Markaan ku laabto maalintii ciyaarista waxa waajib ahayd inaad wanaagsanaato, May ahayn mid u fudud sida dhawaanahan, Imika haddii ay ogaadaan inaad hibo leedahay waxay fursada kuu siinayaan si dhakhso leh“Rabitaankaygu kaliya waxa uu ahaa ciyaarista kubadda cagta caqabado ayaana igu haystan dugsiga, Waalidkay waligay ima canaanan laakiin way ogaayeen aragtidaydu in aysan wanaagsanayn“Sidaa darteed maalin waxa ay igu yidhaahdeen ‘Waanu ognahay inaad wax maskaxdaada ku haysato sidaa darteed samee waxa aad doonayso’ Waxaan doonayay inaan naftayda u huro midan“Laga bilaabo daqiiqadaas waxaan u dagaalamay inaan noqdo midka ugu fiican, Si wanaagsan ayaan u nastay, Maan ahayn doqonkaas baararka jooga waxaan cabayay biyo, Waxkasta ayaan u sameeyay si aan naftayda uga dhigo mida ugu fiican“Waajib ayay igu ahayd inaan waxkasta oo ay igu qaadato sameeyo, Taasi waxa ay ahayd waxa iga dhigi karayay mid faraxsan ee waalidiintay ka dhigayay kuwo han weyn”

Khadar Jacayl