Muqdisho: Liiska Lacagta  Lagu Cunno sugidda Amniga Iyo Cabsidda Shacabku La Nool-yihiin

Somali men carry the body of a victim who died in the explosion of a truck bomb in the centre of Mogadishu, on October 15, 2017. A truck bomb exploded outside a hotel at a busy junction in Somalia's capital Mogadishu on October 14, 2017 causing widespread devastation that left at least 20 dead, with the toll likely to rise. / AFP PHOTO / Mohamed ABDIWAHAB (Photo credit should read MOHAMED ABDIWAHAB/AFP/Getty Images)

Muqdisho (Aftahannews)-Magaalada Muqdisho waxay Shalay martigelisay illa Shan Qarax oo midkii ugu khasaaraha yaraa ay ku dhinteen illaa 2 qof halka kuwii ugu khasaaraha badnaa ay ahaayeen labadii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Shanta qarax laba kamid ah waa kuwa Wasaaradda lagu weeraray, midka Sedexaad oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay Agagaarka Masjidka Biyamaalow oo ku yaal meel u dhow Isgoyska Howl-Wadaag.

Qaraxa Afaraad ayaa ka dhacay Jidka Warshadaha, waxaana lagu aasay Koontarool ay ciidamada Dowladda ku baaraan Gawaadhida, waxaana sida la xaqiijiyey ku dhintay Laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska halka dad kalana ay ku dhaawacmeyn.

Somali men carry the body of a victim who died in the explosion of a truck bomb in the centre of Mogadishu, on October 15, 2017.
A truck bomb exploded outside a hotel at a busy junction in Somalia’s capital Mogadishu on October 14, 2017 causing widespread devastation that left at least 20 dead, with the toll likely to rise. / AFP PHOTO / Mohamed ABDIWAHAB (Photo credit should read MOHAMED ABDIWAHAB/AFP/Getty Images)

Qaraxa Shanaad ayaa ka dhacay Isgoyska Ex-Control Balcad, waxaana ku dhintay laba qof oo Gaari la saarnaa Xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray Qaraxaas.

Qaraxyadaan ayaa Shalay Magaalada Muqdisho ka dhigay mid kacsan Amni ahaan, waxaana inta badan la iska xidhay Goobihii Gancsiyada, Xurimihii Wasaaradaha Dowladda,  maadaama ay jirto Cabsi ku aadan weeraro kale oo ay Al-Shabaab ka geystaan Magaalada dhexdeeda.

Hadal heynta ugu badan ee Magaalada Muqdisho ayaa noqotay Qaraxyada iyo weerarkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, waxayna dadka Muqdisho dareemayaan inaan loo soo jeedin wax ka  qabashada Amniga faraha kasii baxayo  ee Caasimadda.

Muqdisho iyo Siyaasadda

Muqdisho waxay u baahan tahay inay hesho xal Siyaasadeed oo sababi karo in Magaalada si nabad ah loogu noolaado isla markaasna ay dadka Magaalada ogaadaan in lacagtii Canshuurta aheyd ee laga qaaday ay shaqeeneyso si ay usii laba jibaaraan bixinta Canshuurta.

Dadka Muqdisho qeybaha kala duwan oo ay ugu horeeyaan Ganacstada waxaa laga qaadaa bil kasta lacag Malaayiin Dollar ah oo ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in dadka loogu adeegi doono balse aysan taas muuqan.

Siyaasiyiinta kasoo jeedo Magaalada Muqdisho ayaa aaminsan in la dulminayo Magaalada, maadaama Canshuurta laga qaado lagu bixiyo meelo aysan dan ugu jirin Muqdisho sida Doorashooyinka ka dhaco Gobolada oo Malaayiin Dollar lagu bixiyo sidii ay kursig u qabsan lahaayeen Mushirixiinta ay wadato Dowladda Nabad iyo Nolol.

Muqdisho waa Magaalada ugu badan oo ay Dowladda ka hesho lacagaha, haddana waa Magaalada ugu badan oo ay ka dhacaan falalka Amni darro, wuxuuna qofka Muqdisho joogo ee haddana bixiyo Canshuurta dareemaa inuu ku nool yahay meel  ay noloshiisu halis ku jirto 99%.

Muqdisho waa Meesha ugu badan oo ay ku sugan yihiin Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada,  Siyaasiyiinta, Ganacstada iyo Shacabka ugu badan ee Soomaaliyeed oo hal meel ku nool maadaama lagu qiyaaso dadka Muqdisho wax ka badan 3 Malyan saas oo ay tahay Muqdisho waa Magaalada Kaalinta koowaad aduunyada ugu jirto dhanka Qaraxyada iyo Dhimashada.

Muqdisho waxau baahan tahay Xasilooni Siyaasadeed iyo in laga fakaro Istaraatiijiyaddii lagu soo celin lahaa sumcaddii ay ku laheyd Geeska Africa.

Muqdisho iyo Amniga

Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka ee dhanka Amniga Tuulax ayaa bil kasta qasnadda Gobolka Banaadir ka bixiyo kumaan kun oo Dollar oo lagu sheegay inay tahay sugidda Amniga Muqdisho.

Lacagaha uu Tuulax bil kasta ka qaado Qasnadda Gobolka Banaadir ee lagu sheego inay ku baxdo  Laamaha Amniga ayaa kala ah:

$22,100 (Labaatann iyo Laba Kun iyo Boqol Dollar) oo lagu qaado Magaca Booliiska 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir , waxaana la qaadaa Bil Kasta.

$5,100:  (Shan Kun iyo Boqol Dollar) oo lagu qaado Magaca Nabad Sugidda 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir,  waxaana la qaadaa Bil Kasta.

$13,50 ( Seddex iyo Toban Kun iyo Konton Dollar) oo lagu qaado inay ku baxdo  gaafmeerka 17 Degmo, Waxaana si joogto ah bil kasta looga bixiyaa Qasnadda Gobolka Banaadir.

Lacagtaas waxaa sii dheer budget-ka Wasaaradda Amniga ee loogu talagalay Amniga Muqdisho, saas oo ay tahay Muqdisho weli waxay saldhig u tahay Qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay lacagaha loogu talagalay Amniga Muqdisho waxaa akoono gaar ah ku shubto madaxda Wasaaradda Amniga iyo Gobolka Banaadir waxayna qaarkood Muqdisho ka iibsadeyn Boosas  Malaayiin Dollar laga bixiyey.

Haddii loo soo jeesto Sugidda Amniga Muqdisho, daacadna ay ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa kaliya lagu sugi karaa Lacagaha kasoo xaroodo Dekadda Muqdisho, maadaama lacagaha ugu badan dowladda laga soo xareeyo Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Muqdisho waxay u baahan tahay badbaado Amni iyo mid siyaasadeed, haddii kale waxay gaari doontaa waqti la amaano waqtiga hadda aan joogno oo loo arki doono inay xaaladda hadda taagan tahay mid wanaagsan!!!.