Xubinta Ciyaaraha: Gabon Oo Koobkii Afrika Ka Hadhay Iyo Burundi Oo Markii Ugu Horaysay Timi

Hargeysa, (Aftahannews/Sports)-Dadwaynaha ahna jamaahiirta xulka qaranka Gabon ayaa ah kuwo uu ka soo dhammaaday samirkii ay u hayeen weeraryahanka xulkooda ee Pierre-Emerick Aubameyang iyaga oo ugu baaqaya inuu gabi ahaanba hawl gabo kaddib markii uu markale ku fashilmay inuu caawiyo.

Xulka Gabon ayaa ka hadhay tartanka Koobka qaarada Africa ee sanadkan 2019 kaddib bar-bardhac niyad jab leh oo ay la galeen xulka Burundi halka xulka Burundi uu markii ugu horreysay abid usoo baxay tartanka.

Aubameyang ayaa kulankaas ka ciyaaray dhammaan 90-ka daqiiqo ee ciyaarta balse dhacdada ugu weyn ee lagu arkayay intii uu gegida ku jiray ayaa ahayd inuu kaadh jaale ah qaatay.

Auba ayuu kulanka kahor shaki weyni ku jiray inuu ciyaartan xulkiisa u matali doono maadaama oo uu kaliya laba kulan ka soo ciyaaray shantoodii kulan ee u dambeeyay balse markale ayuu soo laabtay kaddib wicitaan uu helay.

Iyadoo ay jamaahiirtu wax badan ka filayeen soo laabashada 29 jirkan ayay ku adkaatay inuu wax caawimo ah u sameeyo taas ayaana dhalisay in ay u sheegaan inuu xulka iskaga fadhiisto.

Wargeyska The Sunday Times ayaa sheegaya in hawl gabkii Aubameyang marka horeba looga shakisanaa uu haatan soo dhawaaday kaddib codsiga jamaahiirta iyo fashilka xulka kusoo gaadhay.

Khadar Jacayl