Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka gobolka Awdal oo si adag uga hadley xadhiga agaasimihii maamulka lacagta ee wasaarada warfaafinta

Borama (Aftahannews) – Madax-dhaqameedka, waxgaradka iyo Salaadiinta gobolka Awdal ee beesha reer Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama, ayaa si adag u cambaareeyay xadhig ay Xukuumadu kula kacday Agaasimihii maamulka lacagta ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo lagu soo eedeeyay fal musuq maasuq.

Sidoo kale Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Beesha reer Nuur, ayaa waxa kale oo ay cabasho xoogan ka muujiyeen xilal ay sheegeen in maalmihii u danbeeyay beeshooda laga qaaday.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka