New Zealand: Eedaankii Salaadda Jimce oo toos looga baahiyey dalkaas oo dhan iyo Isu-soo bixii Midnimada

NEW ZEALAND Imaam Gamal Fouda, ayaa tujiyay salaadda JIMCAHA MUSLIMIINTA
NEW ZEALAND Imaam Gamal Fouda, ayaa tujiyay salaadda JIMCAHA MUSLIMIINTA

New Zealand(aftahannews):- Dalka New Zealand, ayaa laga baahiyay codka Aadaanka Salaadda, waxaana guud ahaan waddanka laga aamusay muddo 2 daqiiqo ah, si loo dhageysto codka dadka muslimiinta ah loogu dhawaaqayo.

NEW ZEALAND Imaam Gamal Fouda, ayaa tujiyay salaadda JIMCAHA MUSLIMIINTA
NEW ZEALAND Imaam Gamal Fouda, ayaa tujiyay salaadda JIMCAHA MUSLIMIINTA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Arrintan oo lagu beegay salaaddii khudbada ee maanta ayaa qeyb ka ahayd xuska lagu asteynayay hal isbuuc oo kasoo wareegay markii weerar lagu qaaday masaajidyo ay dad ku tukanayeen jimcadii lasoo dhaafay.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa ku biirtay kumannaan ruux oo ku baroordiiqayay meel u dhow masaajidka Al-Noor oo ka mid ah labadii masjid ee dadka lagu laayay.

Ra'iisul wasaaraha New Zealand ayaa ku biirtay dadka baroor diiqayay
Ra’iisul wasaaraha New Zealand ayaa ku biirtay dadka baroor diiqayay

Imaam lagu magacaabo Gamal Fouda, oo salaaddii jimcada ee maanta tujiyay dadka ayaa yidhi: “Qalbiga ayaa naga jabay laakiin innaga oo dhan ma aynaan jabin”.

50 ruux oo muslimiin ah ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan 2 masaajid u geystay 15-kii bishan, xilli ay dadkaas ku guda jireen salaaddii jimcada, halka tobannaan qof oo kalena ay dhaawacmeen.

Brenton Tarrant, oo u dhashay dalka Australia ayaa loo maxkamadeynayaa inuu falkaas geystay, waxaana la filayaa in dacwado kale lagu soo oogo.

Maalintii khamiista ahayd ayey ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern amar ku bixisay in waddankeeda laga mamnuuco guud ahaan hubka u sameysan noocii uu ninkaas u isticmaalay weerarka.

Maxaa dhacay maanta oo Jimce ah?

Dad gaaraya kumannaan qof ayaa isugu tagay fagaare u dhow masjidka Al-Noor, si ay u xusaan Jimcada qaran ee kasoo wareegtay maalintii uu dhacay falkii lagu laayay dadka.

Aadaanka salaadda, oo muslimiinta loogu dhawaaqo si ay salaadda usoo xaadiraan ayaa laga baahiyay telefishinka iyo raadiyaha qaranka ee dalka New Zealand.

Waxaa la raaciyay 2 daqiiqo oo waddanka oo idil laga aamusay, si loo xuso muslimiintii ku dhintay toogashadii ka dhacday masaajidyada. Khudbad ay xilligaas ka hor jeedisay Ms Ardern ayey ku tidhi: “New Zealand way idinla baroor diiqeysaa, kulligeen waxaan nahay mid”

Waxay tusaale ka dhigatay xadiis uu nabi Muxammad (csw) ku sheegay in dadka muslimiinta ah dhibka walaalahood soo gaara ay ka xanuunsadaan, ayna la mid yihiin sida qof ay jirkiisa meel ka mid ah xanuuneyso inta kale ee jirkiisa ka mid ahana ay dareemeyso.

Xigasho BBCSomali.com.