Dahabshiil Group oo Iska Fogeeyey eedaha Al-jazeera

DAHABSHIIL AND ALJAZEERA
DAHABSHIIL AND ALJAZEERA

Hargeysa(aftahannews):- Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa beenisay warbixin meel-ka dhac ah oo uu Telefeshinka Al-Jazeera qaybtiisa carabida lagu baahiyey, taas ayey Dahabshiil ku tilmaantay inay tahay mid aanay u qalmin oo been-abuur ah.

DAHABSHIIL AND ALJAZEERA
DAHABSHIIL AND ALJAZEERA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed qoraal ah oo ka soo baxay Dahabshiil, kaas oo nuqul ka mid ah oo warbaahinta loogu talo-galay soo gaadhay aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Shirkadda Dahabshiil Group waxay si xooggan isaga fogaynaysaa eedaymaha been abuurka ah ee laanta Carabiga ee telefishanka Aljazeera naga baahisay.

Waxay baahintani xambaarsanayd eedaymo been abuur ah, kuwaas oo gabi ahaanba ahaa sharaf dil iyo eedaymo ku saabsan ku lug lahaansho arrimo siyaasadeed, eedahan oo u muuqda kuwo ay dabada ka riixayso arrimo la xidhiidha siyaasad degaamaysan (geopolitical reasons).

Dahabshiil waa shirkad gaar loo leeyahay, waana ganacsi caalami ah, una adeegta bulshada dunida sidaas awgeedna sinaba uguma lug laha siyaasaddo dawladeed, ama kooxaysi siyaasadeed. Ujeedadayada kaliya waa in aanu adeeg fiican u samayno macaamiisha waxna ku celino bahwadaagtayada.

Dahabshiil lama siinin xuquuqda jawaabta iyo fadcelintayadii intii aanay Aljazeera baahin warbixinta. Haddii ay nala soo xidhiidhi lahaayeen iyada oo ay naga xigtay in ay telefoon noo soo diraan, waxaa laga fogaan lahaa khaladadaadka iyo been abuurka badan ee warbixinta ku jira oo ay heli lahaayeen xogtooda saxda ah.

Dahabshiil waxay ugu baaqaysa telefishanka Aljazeera in uu ka noqdo eedaha aan sal iyo raad toona lahayn ee ay naga baahiyeen, islamarkaana macluumaadkan waa inay ka saaraan boggagga lagu baahiyay (public domains). Wixii Faahfaahin Dheeraad ah Booqo:https://dahabshiil.com.” sidaa ayaa lagu yidhi warkan Dahabshiil ka soo baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.