Micheal Rubin: “Caalamku wax buu ka baran karaa sidii Somaliland uga guulaysatay maleeshiyaadka”

Hargeysa (Aftahannews)- Aqoonyahan  Micheal Rubin oo ah Xeeldheere Millatari oo Maraykan ah ayaa  warbixin uu maanta ku daabacay warsideyaasha caalamiga ah wuxuu  ciwaan uga dhigay “Caalamku wax buu ka baran karaa sidii Somaliland uga Guulaysatay Maleeshiyaadka.”

Mr. Rubin Wuxuu warbixintan ku faalleeyey sida Soomaaliya oo Dawladda Maraykanku ay ku taageerayso sannadkan  $900 oo Milyan oo Doolar aanay haddana  waxba uga qaban dhinaca Ammaanka dalkeeda, taasina ay Maraykanka ku tahay tacab khasaar. Waxaanu xusay in Soomaaliya ay ku guulaysatay  horyaalka dalka ugu musuqmaasuqa badan Adduunka oo  ay xataa ka sii liidato   dalalka Yemen, Waqooyiga Kuuriya  iyo  Venezuela.

Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo faallada Mr.  Micheal Rubin  ka soo xigatay Warsidaha Foreign Policy, ayuu ku sheegay in Somaliland ay miisaaniyaddeeda oo dhan  $350 Milyan oo Doolar ay Saddex meeloodow meel geliso Ammaanka iyo Gaashaan-dhigga.

Mr. Rubin wuxuu xusay inuu soo bandhigay  siday Maraykanka lagama maarmaanka ugu tahay Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal aan la aqoonsan oo uu socdaal ku tagay bishii hore.

Khabiirku wuxuu ku dooday in lacagaha Soomaaliya la siiyaa ay tahay mid keenaysa wakhti lumis isla markaana fawdo sii gelinaysa dalkaas, waxaanu carabaabay in khaladaadkii Maraykanka iyo Qarammada Midoobay ay ka sameeyeen Ciraaq ay mid la mid ah ka sameynayaan Soomaaliya.

Waxa kaloo uu naqdiyey Safiirka Marayanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto  oo uu xusay inaanu iman Somaliland, isla markaana dhaqaalaha loogu yabooho Soomaalida  uu doonayo in lagu isticmaalo Soomaaliya oo kaliya, waxaanu tallabadaas ku sifeeyey mid ka hor imanaysa siyaasadda Madaxweyne Donald Trump ee ku wajahan Afrika.

Mr.  Micheal Rubin   wuxuu intaas ku daray in Dawladda Maraykanku ay lacag xad dhaaf ah ku bixiso ka hortagga maleeshiyaadka caalamka ka jira, balse wax aad u yari ka midho dhalaan dedaalkaas, waxaanu  qiray in Somaliland ay maleeshiyaadkeedii gobollada oo dhan ay ku guulaysatay inay iskugu geyso hal ciidan qaran, waxaanu caddeeyey in hannaankii ay u maareysay Maleeshiyaadku ay cashar u noqon karto  meelo badan oo caalamka ah.

 

Source: Wakaalada Wararka Somaliland Ee Solna