Xubinta Ciyaaraha: Xidhiidhka UEFA Oo Ganaax Dul-dhigay Ronaldo

Hargeysa. (Aftahannews/Sports)-Xidhiidhka kubbadda cagta yurub ee UEFA ayaa ganaax dusha ka saaray xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kadib dabaal degii uu sameeyay kulankii uu saddexleyda ka dhaliyay Atletico Madrid kulan ka tirsanaa tartanka champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa Juventus kaligii wareega 8 dhamaadka u soo saaray kadib saddexley uu ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay ayay Cristiano Ronaldo kameerooyinku qabteen isaga oo si Akhlaaq xumo ah ugu dabaal degaya waliba ku jeestay taageerayaasha Atletico Madrid.

Xidhiidhka UEFA ayaa baadhitaan ku furay arintaas iyada oo Ronaldo lagu soo eedeeyay Akhlaaq xumo iyo waliba in uu jabiyay xeerarka UEFA ee Anshaxa.

UEFA ayaa go’aansatay in ayna wax kulamo ah ganaaxi doonin xiddiga reer Portugal laakiin ku ganaaxday lacag dhan 20 Kun oo Gini.

Khadar Jacayl