Dawladda Ereteriya oo Soo Bandhigtay Qodobo Xudun u ahaa Wada-hadallada Biixi iyo Saalax

Hargeysa (Aftahannews)- Dawladda Ereteriya ayaa baahisay afar qodob oo xudun u ahaa wada hadalada ay weftiga Ereteriya la yeesheen Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiinta kale ee dawladda Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Ereteriya Yemane G. Meskel, ayaa saddexdan qodob ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka oo uu inta badan mariyo farriimaha dawladda Ereteriya. “Weftiga Ereteriya waxay soo gabagebeeyeen socdaal guul ahaa oo ay saddex maalmood ku joogeen Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadlayay weftiga Ereteriya oo shalay dib ugu laabtay dalkooda, waxaanu intaas raaciyay, “Waxay kulamo balaadhan la yeesheen Madaxweynaha iyo tiro kale oo masuuliyiin ah.”

Wasiir Yemane oo sharaxaya waxyaabaha ay ka wada hadleen Somaliland iyo Ereteriya, wuxuu yidhi, “Wada hadalada waxa diiradda lagu saaray nabadgelyada gobalka, dib u heshiisiinta, horumarka iyo is dhex galka. Weftigu waxay dawladda iyo shacabka uga mahadceliyeen sida diiran ee loo soo dhaweeyay.”

Wasiirka Warfaafinta Ereteriya faahfaahin dheeraad ah kamuu bixin qodobadan iyo waxyaabaha ka hooseeya. Sidoo kalena dawladda Somaliland faahfaahin dheeraad ah kamay bixin qodobada ay weftiga Ereteriya ka wada hadleen marka laga reebo inay masuuliyiinta dawladda Somaliland si guud uga hadleen socdaalka weftiga.

Weftiga Ereteriya ayaa saddex maalmood ka dib shalay waxay dib ugu noqdeen dalkoodii, waxaana madaarka ku sii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland.

Xigasho Geeska Afrika