Soomaaliya Iyo Shaacinta Kal-fadhiga 5-aad Ee Baarlamaanka

Muqdisho (Aftahannews)- Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho,iyadoo kulanka uu guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka ayaa inta uu socday looga hadlay arrimo khuseeya Baarlamaanka,waxaana lagu mudeeyay xilliga uu furmayo kalfadhiga 5aad ee golaha Baarlamaanka.

Guddiga ayaa shaaciyay fadhiga 5aad ee Baarlamaanka inuu si rasmi ah u furmayo 27-ka bishan ,waxaana mudeynta xilliga uu furmaya kalfadhiga uu ku soo beegmay iyadoon wali xal rasmi ah laga gaadhin khilaafka u dhaxeeya labada gole ee Baarlamaanka.

Hore waxaa loo qorsheeyay inuu kalfadhiga furmo 16ka bishan March, balse dib ayaa loo dhigay sababo la xidhiidha guddoomiyaha golaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh oo dalka dibaddiisa ku maqnaa, sida ku cad jadwal howleedka Baarlamaanka.