Madaxweynaha Maraykanka Oo Ka Hadlay Qaab-ciyaareedka Xulka Brazil

Washintong (Aftahannews)-Jawiga kubadda cagta ayaa qeyb ka ahaa kulan gaar ay wada qaateen Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Brazil, Donald Trump iyo Jair Bolsonaro.

Inta lagu guda jiray shirkii jaraa’id ay kaga soo hor muuqdeen saxaafada, labada madaxweyne ayaa jebiyey xeerka u dhexeeyay, kadib markii ay is-dhaafsadeen Funaanadaha xulalka Brazil iyo Maraykanka.

Donald Trump ayaa xaqiijiyay in xulka qaranka Brazil uu ku xoogan yahay kubbadda cagta, wuxuuna tilmaamay in uu wali xasuusto halyeeyga Pele iyo ciyaartoyda kale ee halyeeyada ah.

Madaxweynaha dalalka Mareykanka ayaa ku tilmaamay inay sharaf u tahay in dhigiisa Brazil ee Jair Bolsonaro uu gudoonsiiyo funaanada xulka Mareykanka.

Waxaa xusid mudan in funaanada  uu Madaxweyne Donald Trump gudoonsiiyay dhigiisa dalka Brazil lagu xardhay No. 19-aad iyo magaciisa Jair Bolsonaro.

Madaxwaynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa dhankiisa kaga jawaab celiyay falka uu sameeyay Trump isla wadadii uu sameeyay, wuxuuna gudoonsiiyay funaanada xulka qaranka Brazil ee ku qorneyd No. 10-aad iyo magaca Trump.

Jair Bolsonaro ayaa dhankiisa ku tilmaamay inay calaamad gaar ah u tahay inuu gudoonsiiyo dhigiisa Donald Trump funaanadda  ciyaaryahanka ugu fiican jiil kasta ee kubbadda cagta Edson Arantes do Nascimento Pelé.