Xildhibaan Kijaandhe Oo Ka Hadlay Isbedellada Geeska Afrika Iyo Doorka Somaliland

Hargeysa(Aftahannews)-Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe , ayaa sheegay inay Somaliland-tii 1960 dib ugu soo noqonayso saaxadda, isla markaana ay door muuqda ka ciyaari doonto is bedelka ka socda Geeska Afrika, waxaanu ishaaray ifafaalaha muuqda hadda, isagoo sheegay inay soo noqonayso muhiimaddii ay Somaliland ku lahayd caalamka.

Xildhibaan Axmed Kijaandhe oo la hadlayey Wargeyska Waaberi, ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidanHorta sideedaba  gobolkan muhiim ayeynu ka ahaan jirnay , waxa weeye xataa dagaaladii Adduunka, siyaasadaha iyo xadadkii la sameeyey waxaas oo dhan qayb ayeynu ka ahayn. Anniga midh muhim ah ayaa ii muuqata halkii aynu kaga jirnay ayeynu ku soo noqonaynaa markaa dad badan oo ka shakisani cagaha dhulka haku qabteen, wax laga wer-weraa ma jiraan arrinkeena gacanta ayeynu ku haynaa muhiimaddii aynu lahayn ayaa soo noqonaysa, wax yaabaha soo celinaya waxa ka mid ah taasuun mahaa, waxa soo celinayaa Dekedaa Berbera ee nimankaasi yidhaah-deen waanu idiin maalgelinaynaa.”

Waxa kale oo uu sheegay in imaansha weftiga Ereteriya ee dalka ay muhiim inoo tahay , isla markaana ay fariin u tahay bulshada caalamka “Imaashiyihiisa oo qudha ayaa fariin diraysa, waxaa leeyahay yaan aad loo fidin oo dad aan waxaanay geyin helay ha inaga dhigina oo aan la jilcin ayaan leeyahay saaxafadda oo aan la mudmudin  arrinka halkaas ayeynu ku xidhaynaa ninkii wuu yimi si wanaagsan ayaa loo soo dhaweeyey .”Ayuu yidhi Axmed Kijaandhe

Dhanka kalene Xildhibaan Kijaandhe ayaa ka hadlay maamulka Muqdisho ee “Waxaan ku leeyahay Somalia horta waxa helay ciyaala reer Xamar ayaa helay , maanta madax-da waa ciyaala reer Xamar aan siyaasad wax-ba ka garanayn oo kolba gebi dhaclaynaya , ninkan Madaxweynaha ka ahina waa geed sarre waab dhibaatooyin adag ayaa haysta illaahay waxaanu uga baryeynaa inuu illaahay ka saaro ,wakaa maanta ciidamadii ay forantii kasoo baxay ee aan afarta bilood qaadan mushahar , markaa ninkii suudh xidhan lahaaba iyo cumaada u qaadan lahaa tan maaha waa inuu surwaal gaaban xidho oo dhibaatooyinkaa siduu u xalin lahaa aasaasiga ah ee ka jira dalka uu falowgeed sameeyo , dadka isku soo dhaweeyo Somaliland afsoomaali wanaagsan ula yimaado kolba intuu ka dego Abbey Ahmed ,Marba inuu god yar usoo gala, Somaliland ku noqon mayso Somaaliya in xadhig khaldan la xidho Somaliland ku noqon mayso Somaaliya , waxa ka wanaagsan si ragganimo leh inta la isku hor fadhiisto la wada hadlo la yidhaah waar maxaa damac deen oo la ixtiraamo rabbitaanka dadka , waxaan leeyahay arrimahooga ha hagaajisteen oo ha xalistaan taas ayaa wax walba ka horeeya .”