Xubinta Ciyaaraha: Tobbanka Xul Qaran Ee Ugu Da’da Weyn Dunnida

Hargeysa, (Aftahannews/Sports)-Kubbadda cagta heerka caalami ahaa markale garoomada dib uga soo dhalaali doonta toddobaadkan iyaga oo inta badan xulalka dunidu isku diyaarinayaan ciyaarista isreeb-reebka tartamo kala duwan iyo kulamo saaxiibtinimoba.

Waxaanu halkan idiinku muujin doonaa 10-ka xul qaran ee ugu faca iyo da’da weyn taariikhda iyo xilligii lasoo yagleelay iyadoo xulal badan oo maanta magac weyn lehi aysan liiskaas ku jirin.

Inta ugu badan wadamada lagu magacaabo United Kingdom ayaa kasoo muuqday balse waxa iska waayay xulka ugu guulaha badan qaramada dunida ee Brazil si lamid ah xulka qaranka France, Germany, Spain iyo qaramo kale oo waaweyn.

Aan ku bilawnee booska koowaad ayuu ku jiraa xulka qaranka England oo ah midkii ugu horreeyay waxaana la aasaasay sanadkii 1863 waxaana soo labeeya xulka Scotand oo la sameeyay March 1873.

Wali kamaynaan dhex bixin UK e waxa booska saddexaad ku jira xulka qaranka Wales kaas oo la sameeyay sanadkii 1876 halka Ireland uu soo raacay oo uu ku aadanaa 1880.

Kaalinta shanaad ayuu soo galay xulka qaranka Denmark waxaana sharafta ah inay yihiin xulka ugu weyn ee aan ahayn British mudan xidhiidhka kubadda cagta Denmark ee loo yaqaano (DFU) waxaana la sameeyay 1889.

Booska lixaad ayuu soo xidhay xulka qaranka Netherlands kaas oo qudhiisa la sameeyay isla sanadkii 1889 dhammaadkiisii.

Afarta kaalmood ee soo hadhay ayaa loo kala buuxiyay sidan New Zealand (1891), Singapore (1892), Argentina (1893) iyo Switzerland (1895)