“Waa In Khayre Iyo Xukuumaddiisu Is-casilaan Intaan Xaaladdu Ka Sii Darin…” Xildhibaan Fiqi

Muqdisho (Aftahannews)-Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ku baaqay in Kheyre iyo xukuumaddiisa ay deg deg isku casilaan, xilli xaaladda amni ee dalka ay faraha kasii baxayso, islamarkaana ciidamada ay mushahar la’aan uga soo baxeen aagagga.

Hoos ka aqriso qoraal Fiqi uu soo dhigay Facebook, wuxuu ku dhignaa sidan:

“Ka soo bixitaanka ciidamadda XDS labada shabeelle goobihii ay uga sugnaayeen qaarkood ayagoo ka sheeganaya daryeel iyo mushaar la’aan, ayna ugu darsoontay hadallada aan laga fiirsan ee nabidda iyo run ka sheegid la’aanta xaqiiqda dhabta ah ee ay ciidamadu ku sugan yihiin ee madaxda qaarkood ay xafladaha uga khudbeeyaan, waxey dalka u horseedaysaa xaalad khatar ah oo in laga soo kabsadaa ay adkaan doonto.

Waxaa hore loogu fashilmay amniga gobolka Banaadir sababo maamul xumo iyo la xisaabtan la’aan, nin jeclaysi iyo musuqmaasuq la xiriira, waxaana hadda muuqata in cudurkii musuqmaasuqa iyo maamul xumadu uu u gudbey ciidamadii dhufaysyada hore ku jiray, markii ay arrintaas soo baxdeyna si muuqata ciidamadii loo nabayo oo la leeyahay mushaarkoodii waa qaateen.

Ciidamada Dhanaane ka soo baxey ee u badnaa guutadii 14 Oktoobar loo bixiyey waxaa la aasaasay mudadii madaxda dalka joogtaa ay talada hayeen, waxaana soo bixitaankoodii lagu fasiray in diiwaangelin loogu yeeray, haddii ciidamadii sanad iyo bar ka hor la qorey aysan diiwaangashanayn, muxuu madaxweynuhu wasaaradda gaashaandhigga waqtigii dheeraa ee uu fadhiyey ka dhex qabanayey?, maxeyse xukuumadda Khayre qabatay haddii dhowr kun oo askari ay ku guuleysan weyday in la diiwaangaliyo mudadaas dheer.

Talo: Xukuumadda Kheyre waa ay ku fashilantey amnigii caasimadda iyo kii dalka, waxaan soo jeedinayaa in intaan dalku gacanta ka bixin ay u turaan umadda isna is-casilaan asaga iyo xukuumaddiisu, waayo marin habaabin, riwaayad joogto ah iyo fara-taagtaag dal laguma hogaamin karo!

Ciidanka qaranka ee naftooda ku bixinaya difaaca dalka, qofkii qabiil ku tilmaama waa cadow aan ka sokeyn shabaabka ay la diririyaan, waxaana aaminsanahay in ay waajib tahay in meel looga soo wadajeesto cidda fikrikaas gurracan aaminsan.”Ayaa lagu yidhi Qoraalka