Kolarov:“Boqolkii Sanno Hal Mar Ayay Dhashaan Ronaldo iyo Messi”  

Hargeysa, (Aftahannews/sports)-Xiddiga reer Serbia iyo kooxda Roma ee Aleksandar Kolarov ayaa si weyn u amaanay laacibka Juventus ee Cristiano Ronaldo, ka hor kulanka ay isaga hor imaan doonaan kulamada isreeb reebka ee tartanka Euro 2020.

Aleksandar Kolarov ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka talyaaniga wuxuu kaga hadlay xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

“Ciyaartoyda sida Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, waxay dhashaan hal mar 100-kii sanno“Ma  jirto wax xeelad ah ee lagu joojin karo, weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, hadii aad isku daydo inaad joojiso”.

Si kastaba hadalka Kolarov ayaa wuxuu imaanayaa xili uu xulka qaranka Serbia kulan saaxiibtinimo ah kula ciyaari doono arbacada soo socota dhigooda Germany.

Ka hor inta aanay 25-ka bishan kula ciyaarin xulka Portugal, wareega hore kulamada isreeb reebka tartanka Euro 2020-ka.

Khadar Jacayl