Muxuu Alle (SW) Kala hadlaa Muruqan yar? Q- 2-aad – Q: M. F. Qoti

wadnaha aadamaha
wadnaha aadamaha

(“Waxa jira cudurro ku dhaca wadnaha oo faafa, oo la’kala qaado, waxaana ka mid ah…..”) Q/2-aad

Wadnuhu waa xubinta wax urrisa, waxaanu leeyahay luuqad dareen oo uu ka fahmi karo indhaha qofka kale waxa uu jecel yahay, hadalka ka soo baxa wadnaha wuxuu si toos ah saameyn ugu yeeshaa wadnaha  dadka kale, sababtoo ah waxaa ku wareegsan dareen daacad ah.

wadnaha aadamaha
wadnaha aadamaha

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Erayada aan caqli-galka ahayn ee isla-hadalka waalidu waxay ka yimaadaan wadnaha (Qalbiga), wuxuu soo celceliyaa fariimaha qaaliga ah ee wanaagsan iyo fariimaha murugada xanbaarsan ee soo gaadhayey qaybta xog ururinta keydka xusuusta wadnaha, waxaanu ku koraa maqalka dareenka codka dikriga leh.

Muruqan-yari waxa uu leeyahay dareeno badan oo ay ka mid yihiin, dareenka cabsida, dareenka cadhada,  dareenka murugada, dareenka hamada, dareenka farxada, dareenka warwarka, dareenka lagu kala saaro midabada, hadalka, suuragalnimada, runta, beenta, garashada waxa saxda ah iyo waxa khaldan, waxa kale oo uu  leeyahay hab uu ku bakhtiiyo hibashada, warwarka, walaaca, cadhada, waxaanu muujiyaa guusha, quruxda wadajirka wanaaga iyo jawaabta qadarinta leh.

Dhinaca kalena, marka aynu eegno qofnimadda waa mid si fudud loo fahmi karo firfircoonida, furfurnaanta, kalsoonida, xishoodka, khatarta, caajisnimada, niyad-xumada, niyad-wanaaga, geesinimada, daacadnimada, awooda garashada iyo fahamka degdega ah ee uu qofku leeyahay.

Laakiinse, dabcigu waa abuur uu Alle (SW) ku abuuray qofka bani’aadamka ah, waana hab la dhaqanka dad  ee uu qofku leeyahay, sida, wahsiga, deeqsinimada, tanaasulka, daneystenimada, cadhada-badan, feejignaan la’aanta, dulqaadka, samirka, kibirka  iyo  awooda garashadeedu sareyso ama ay hooseyso, waxaana lagu qiimeeyaa heerka tayada hab-dhaqanka qofku uu gaadhsiisan yahay khaladaadkiisa iyo saxsanaantiisu, hab-dhaqankuna waa habka wadnaha qofku uu kaga falceliyo waxa uu dareemay, kaasoo noqon kara jawaab wanaagsan ama mid xun

Iimaankuna waa weedh af-carabiya oo macnaheedu yahay rumeysashada ama aaminaada dhabta ah ee qalbiga, waana habka fikirka ama dareenka wadnaha “Qalbiga” ku rumeysto ogaanshaha jiritaanka xaqiiqada  dhabta ah ama uu ku diido diidmo-toos ah, waxaana afka qalaad loogu yeedhaa “Attitude”

Rumeysashada (Iimaanka) quruxdiisa iyo wanaagiisuba waxa uu u baahan yahay dabeecad dheelitiran oo leh awood aqooneed oo aad u sareysa, waana fahamka lagu kala garan karo quruxda iyo foolxumada, waana fahamka lagu garan karo hadalka runta iyo beenta ku dhex jirta in lagu kala saaro, haddii hadalkaasi uu yahay mid toosan waxa uu noqdaa  cod-jawaabtiisu ay xikmadeysan tahay.

Cabsiyaha khatarta badan ee kiciya dareenka wadnaha, kama tagsana marka qofku  ka wer-weraayo naftiisa, shaqadiisa, deegaankiisa iyo nolosha qoyskiisa,  waxay keenaan xannuunada ku dhaca wadnaha, sida, macaanka, dhanaanka, Illowga iyo cadhada, daawadiisuna waa dabeecada wanaagsan, dabeecada wanaagsani waxa lagu qiimeeyaa in ay tahay qofka cadhadiisa liqa, indhaha qalbigiisana hoos u roga, isla markaana leh halgan dareen oo uu kaga hadli karo hadba xaaladda dhibaatada taagan, laakiinse, marka cadhada tooska ah loo isticmaalayo in lagu dabaqo amarka in lagu xakameeyo awooda dareenka rabitaankeedu xoogan yahay, waa qurux iyo toosin.

Marka aynu ka nimaado arimahaas oo dhan, haddana, waxay sheegaan khuburada ku xeelka dheer cilmiga barashada cudurrada ku dhaca wadnaha, ay yihiin, sida, marka caddaadiska dhiiga wadnuhu uu sareeyo ama uu hooseeyo, garaaca wadnuhuna uu deg-degaayo“ Tachycardia”  ama uu jiitamaayo “Bradycardia”,  halbowlayaasha xididada dhiiga qaadaana marka ay  awdmaan, dheeli-tir la’aanta ku timaada dheecamada iyo macdamaha jidhku u baahan yahay.

Laakiinse, marnaba may sheegin Hayada Caafimaadka Aduunku (WHO) in ay jiraan cudurro ku dhaca wadnaha oo faafa, oo la’ kala qaado, haddaba, xaqiiqdii waxa jira cudurro ku dhaca wadnaha (Qalbiga) oo la’kala qaado, oo ku fida bulshada dhexdeeda, waxaana ka mid ah cudurradaas qaar ku dhaca tiro dad ah oo isku deegaan ah,“ Endemic Heart Disease”  kuwo ku faafa wakhti isku mid ah bulsho meel wadda-deganeyd “ Epidemic Heart Disease” halka cuduradaas qaar ka mid ahina ay ku fidaan wadamo badan oo ka mid ah dunida “ Pandemic Heart Disease.

Haddaba, sida ku cad Kitaabka Quraanka kariimka ee lagu soo dajiyey Nabi Muxamed (CSW) ee diinta furqaan, Alle (SW) waxa uu ku sheegay Kitaabka Quraanka in ay jiraan cuduro la’kala qaado oo ku dhaca wadnaha (Qalbiga) iyo astaamaha lagu kala garan karo ee ay leeyihiin dadka qaba cuduradaas, waxaana ka mid ah qofka aan muujisan karin diinta uu aaminsan yahay iyo qofka islaamka ee aanay wanaagsanayn hab-dhaqankiisu, kaasoo haddii aad hesho wax wanaagsan wuu ka xumaanayaa, haddii  ay dhibaato kugu dhacdana wuu  kugu wiirsanayaa,  haddii uu hadlaayana been buu sheegayaa, marka uu doodayana baadil buu ku doodayaa, kumana samri karayo dhibaatooyinka yaryar ee  soo food saar noloshiisa, waxna ma’bixiyaan, haddii ay wax bixinayaana iyagoo karahsanaya  bay bixiyaan, waxay  ku faanaan oo ay wax ku qiimeeyaan dadka iyo duunyada  ay leeyihiin,  waa kuwo sabool ka ah wadnaha “Qalbiga”  oo ka qayb-gala marka la bixinaayo sakada ama sadaqada, haddii wax la siiyana way ku farxaan oo way amaanaan qofkii wax siiyey, haddii kalena,  way caayaan, inta ay islaamaan ayey haddana dib u gaaloobaan, waxay is faraan xumaanta,  wanaagana way isku diidaan, Qawl, ficil iyo Fikirba.

Waxa kale oo ka mid ah astaamaha dadka qaba cuduradaas carabka-dalabta leh, dhaar-badan, cabsi-badan, xan-badan, dhaar-been ah, ya’booh been ah, ballan-darro, kalsooni darro, Labac-labaclayn “Shakiga”,  dhadhamo-raac, xaaraan quutayaal, haddii aad aaminto way ku khiyaamaynayaan, bakhaylnimo, fulaynimo, dira-diraale, dacaayad, cay, aflagaado, qadaf iyo dheeldheel, Tixraax:-  kitaabka quraanka kariimka ah suurada Towba  aayadaha (9:45, 47, 48, 49, 50,  56, 57, 58 62, 65, 74,  67, 77, https://www.youtube.com/watch?v=hZJgZrFQq5w )

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com

Tell: 0634426743.