Afhayeenka Al-Shabaab Oo Sheegay In Loo Aarguddi-doonno Muslimintii Lagu Xasuuqay New Zealand

Muqdisho (Aftahannews)-Afhayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, (Cali dheere) ayaa tacsi u diray dadkii Muslimiinta ahaa ee lagu gumaaday weeraradii lagu qaaday labada Masjid ee ku yaalay magaalada ChristChurch ee wadanka New Zealand wuxuuna Allaah uga baryay inuu ka aqbalo intii ku shahiiday, una boog dhayo kuwa dhaawaca ah.

Sheekh Cali Dheere ayaa Muslimiinta ku booriyay in ay samraan, isagoo sheegay iney la xanuunsanayaan ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaas“Dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday New Zealand waxay markale daaha ka rogeysaa colaadda gaamurtay ee ay gaaladu u qabaan Muslimiinta, waxay marag ma doonto u tahay xiqdiga saliibiga ah ee kuwa falkaas geystay gadaal ka taagan ay u hayaan dadka muslimiinta ah” ayuu yidhi Sheekh Cali dheere Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab.

Muslimiinta ku nool wadamada Reer galbeedka ayuu Sheekh Cali dheere ugu baaqay inay fahmaan waaqica ka jira caalamka, ayna wax ku dhistaan, isagoona ku waaniyay in aaney ku kedsoomin hadallada ay jeediyaan madaxda iyo siyaasiyiinta Reer-galbeedka ee ku aadan wada noolaansha iyo xorriyada diimaha“Dhiiga shuhadada Muslimiinta ee lagu daadiyey masaajidada New Zealand meel cidlo ah kuma dhibci doono, rag u aarguda ayeyna heli doonaan ha dhowaa ama ha dheeraato, waana lagu xisaabtami doonaa” ayuu intaas raaciyey Sheekh Cali dheere.