Maamulka Facebook-ga Oo Ka Hadlay Cilad Ku Timi Isticmaalka 

Hargeysa, (Aftahannews)-Barta ay inta badan kuwada xidhiidhan bulshada Caalamka ku nool ee Facebook ayaa waxaa la soo darsay cilad aad u baaxad weyn oo saamayn badan ku yeelatay dadka adeegsada barta.

Cilada ku timi Facebooka ayaa la sheegay in ay ahayd midii ugu xooganayd taariikhda ee soo wajahda shirkada Facebooka, waxaana cilad galay oo sidii la rabay loo adeegsan waayay barta Facebooka oo ay ku xidhan yihiin malaayiin dad ah.

Waxa ay ciladan ku timi Facebooka sidoo kale saameyn ku yeelatay adeegyada kale ee shirkadu leedahay sida Massengerka, WhatsApp farriimaha la isku dhaafsado iyo sidoo kale barta Instagramka oo inta badan sawirrada la dhigo.

Maamulka Shirkada Facebook ayaan wali si rasmi ah u shaacin cilad ku timi Facebooka, waxa ayna maamulka xaqiijiyeen in ay ka war hayaan cilada “Waxaannu hagaajinay cilad ku timi facebooga oo dad badan cabasho ka soo gudbiyeen”

Dad badan oo Soomaali ku jiraan ayaa ciladan dareemay, waxaana saamayn ku yeeshay ciladan dad badan oo isticmaalayay adeega Faceebooka iyo adeegyada kale ay bah wadaagta yihiin.

Ciladan soo wajahday Facebooka ayaa la sheegay in ay aheyd midii ugu weyneyd taariikhda, waxaana dadka isticmaala Facebooka lagu sheegay in bishii kaliya gaadhayaan 2.3 bilyan oo ruux.